1: Monday, January 14, 2013 - 20:56:54
2: 540 Jeer.

Waa maxay waxyaabaha uu ka dhasho Qilaafka lamaanaha?? (Qoraal Turjuman)

Waxaa Qoray:

love wallpapers
HORU
DHAC:- Waxan xaawileynaa ama aan halkaani kusoo bandhigi doona Sababaha keena Bur-burka Dhismaha Qoyska kaasoo inta badan salka ku haya Is-fahan la’aan soo kala dhex gasha Lamaanaha

Waxan soo bandhiggi doona Cashir ku saleysan Qodobadda uu ka imaado Furiinka lamaanaha oo dhab ahaantii la oran karo waa mid kala geeya lamaanaha, waxaana waajib nagu ah inaan ka fogaano Boholadda ama qodobadda keeni kara bur-burka Qoyska taasoo ay nafareyso diinteena islaamka .

BILOW QORAAL:- Inkastoo ay jiraan Rag iyo dumar ku aqal-gala guur loogu maggac daray ‘’maalin-joog AMA ku daneysi’’ kaasoo ay soomaalida u yaqaanaan Guurka lagu fududaado waxa uuna soo dadajiya qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida :-

1-                 Caro salka ku haysa dhismaha guriga oo aan ahayn mid farxad galiya labada Ehel ee ninka iyo naagta

2-                 Anshax daro ama asluub xumi ay iskula dhaqmaan lamaanaha

3-                 Caro joogta ah oo ay ku waabariistaan lamaanaha taasoo salka ku haysa kalsooni daro

4-                 Is-fahan la’aan joogta ah

5-                 Shucaac joogta ah oo inta badan ka dhex taagnaada lamaanaha

6-                 Qodobka lixaad oo ah mid kusoo gabagaboobo Furiin ama kalataga lamaanah

SHURUUDAHA QILAAFKA :-

1-                 Dhaqanka xun oo mar waliba ka imaada mid kamid ah lamaanaha kaasoo keena kala fogaansho

2-                 In dhaqankaasi foosha xun ee ka imaada mid kamid ah lamaanaha uu ahaado mid ay wadaagan lamaanaha ama uu ahaado mid ku ekaada hal-qof

WAXYAABAHA UU KA DHASHO BUUQA LAMAANAHA :-

Dhibaatada joogtada ah ee inta badan ka dhex-taagan lamaanaha waxa uu ka imaadaa Zowjka iyo Zowjada ama ninka iyo naagtiisa, waxaana ka bilaawi doona Ninka :-

NINKA:- Ayaa xaaskiisa waxa uu ku dhahay: Sidee u aragtaa Qaali inan soo Ziyaarano ama aan soo booqano Qoyskeyga ??

NAAGTA:- Ayaa ku jawaabtay: Macaane maanta wan xanuun-sanahay ee maalinta bari ah nooga dhig booqashada reerkaada !!

NINKA:- oo ka xun diidmada xaaskiisa booqashada reerkiisa ayaa ku jawaabay, waxaa tahay Naag ama Zowjo xun oo aan jecleen horumarka Ehelkeyga iyo kawar qabka xaaladooda caafimaad. (waxaa meesha ka bilowday far-far kutaag)

BUUQA LAMAANAHA KADIB FICILKA KA IMAANAYA:-

1-                 In leysugu jawaabo Erayo kul-kulul, kadibna waxaa xiga in mid kamid ah lamaanaha uu isaga tago hooyga ama guriga

2-                 Gacmaha oo leysdhaafsado ama indhaha oo faraha leyska galiyo, kadibna waxaa soo degdegaaya Furiinka

3-                 Dhaawac soo gaara lamaanaha

4-                 Ninka oo naagtiisa garaaca ama naagta oo ninkeeda wax kudhufato

5-                 Ugu dambeyntii waxaa imaanaya guriga oo bur-bur ku imaado, Qoyskii dhisnaa oo alaabihii hooyga yaalay kala qeybsada !!!

QODOBADA QILAAFKA UU KA IMAADO:-

1-                 Qilaaf ka dhasha loolanka sariirta, kaasoo ay ku kala irdooban lamaanah

2-                 Ninka iyo naagta oo hagar-daamo ku sameeya dhismaha hooygoodo

3-                 Ninka ama Naagta oo ka gaabiso xiriirinta Ehelka ay lamaanaha kasoo kala jeedan

4-                 Ninka oo iska indhatiro Xuquuqda ay ku leedahay Xaaskiisa

Lasoco Turjumaada Xigta

WQ: Wariye Anwar Bakhiit

Email:- wararka@live.se

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale