Waxaa la aqristay: 240 Jeer.
Waa lagu karaama Beelay K/Cagta Soomaaliya !!
Waxaa Qoray: Jabriil Max'ud Nuur (Jabra)

Isboortigu oo ah fan hiwaayadeed lagu kasbado magac, maal iyo sharaf ayaa ah mid kaliya ee abuura isdhaxgal bulshada kala dagaalama caadooyinka xun xun, waana midka qura oo ay wada xiiseeyaan da’kasta oo ay bulshada ka kooban tahay, hadii ay ahaan laheed caruur ama ciroolaha caalamka,iyadoo bahda ku mataaneysan isboortiga lagu yaqaano xamaasad, qiiro iyo wadaninimo ay kaga caafimaad qabaan arimaha kala geeya umada dunida qaarkood sida qabiilka, eexda, nin jecleysiga IWM.
Taariikh ahaan Soomaaliya waxaa qeybaha kala duwan ee isboortiga laga soo cayaarayay mudo aad u fog gaar ahaan nus qarnigii ugu danbeeyay, waxaana la rumeysan yahay casrul dahabigii ugu fiicnaa ee soo maray Isboortiga soomaaliyeed inuu socday intii u dhaxeysay 1970-kii ilaa iyo horaantii sideetamaadkii, wakhtigaasi oo sida xaqiiqda ah ciyaaraha Soomaaliya ay gaareen heer lagu faani karo ilaa ay xulalka iyo naadiyada Afrika iyo kuwa Carabtuba ay ka baqan jireen marka ay isku soo aadaan xulalka ama kooxaha Soomaaliya, maadaama ay ciyaartoyda Soomaaliyeed ay xilligaasi lahaayeen xirfad aad u sareysa oo aanay u babac dhigi karin asaagoodii kale.
Shalay haddii Isboortiga Soomaaliyeed samadaasi uu lalalay, maanta waxaa isweydiin mudan halkee buu joogaa?!! jawaabta su’aashaasi aan ku koobo inaan iraahdo “Waa kaaf iyo kala dheeri’, inkastoo aan u ooyneynay wixii wanaagsanaa ee horay noo soo maray balse aan gacmaheena ku burburinay, hadana waxaa hubanti ah haddii la dadaalo in meeshii aan joogi jirnay iyo meel ka wanaagsan la gaari karo.
Laga soo bilaabo 1992-kii xilligii dib u soo nooleynta Isboortiga Soomaaliyeed ilaa iyo haatan ciyaaraheena way soo socdeen, hase yeeshee Isboortigeenu waxa uu mudadaasi ilaa iyo wakhtigaan la joogo uu soo dhex dabaalanayay taariikh xumo daba dheeraatay iyo weji gabax joogto noqday, waxaana fool xumooyinkaasi dusha nagala saaraa marka ay ciyaartoydeenu dibadaha ugu ambababaxaan ciyaaraha caalamiga ah, kuwaasi oo xulalka ama kooxaha Soomaalida ay kala soo laabtaan guul darrooyin aad u xanuun badan.
Ceebta ugu daran ee ciyaaraha Soomaaliya waxa ay wakhtigaan dhabarka u saaran tahay K/Cagta, waxaana xaqiiqo ah in mar walba ay caado noqotay in kooxaheena K/Cagta dhulka lagu jiid jiido, iyagoo daraasiin goolal ah looga soo adkaanayo mar walba oo ay safaro ciyaareed u baxaan.
Fool xumadii ugu dambeysay ee K/Cagta Soomaaliya keento waxa ay ka soo wajahday ciyaarihii bariga iyo bartamaha Afrika ee dalka Uganda, waxaana halkaasi xulkeena Qaranka kala soo gudboonaatay guul darooyin aad u murugo badan, kaddib kolkii si fudud loo dardaray wiilashii matalayay, waxaana Kampala lagala soo laabtay daraasiin goolal ah, kuwaasi oo kor u dhaafaya tobaneeyo Gool, iyadoo xulalka Burundi iyo Tanzania ay xulkeena u kala dhiibeen 5-gool iyo 7-gool, halka ay Suudaana ugu muruq sheegatay 1-0, waxaana layaab leh intii goolashaasi Soomaaliya lagu xaaqayay inay dhallinyaradeenu ka badin waayeen inay helaan hal gool oo caato ah, kaasi oo si nasiib ah ay uga dhaliyeen xulka Burundi.
Faan aan xad lahayn, ammaan xad dhaaf ah iyo xayeysiin ka badbadis ah ayaa xulka Soomaaliya la huwiyay kahor intii aanu tartan CECAFA bilaaban, waxaana hadal heyntu ahayd “Yaa hor istaagi kara xulka Soomaaliya haddii uu xulkoodu ku tababaranayo garoomada Kampala? isla markaana uu heysto macallim ajnabi ah oo uu xiriirku u qabtay iyo ereyo kale oo buunbuunin u badnaa sida in la helay ciyaartoy xulka dhanka dibadda uga timid iyo kaabayaal kale oo u badnaa ka badbadinta xulka Qaranka, balse intaasi oo idil waxa ay noqdeen bar kuma taal kaddib kolkii fooda la is daray, waxaana xulka Soomaaliya loogu barbartay sidii ciyaal bacaad oo kale.
Taageerayaasha Soomaaliya kuma cusba in xulka K/Cagta si xun looga soo adkaaday, ha yeeshee waxaa naxdin iyo murugo leh inay joogto noqdaan guul darooyinka wejiga looga soo dharbaaxayo Soomaaliya, waxaana hubanti ah nasiib darradii dhowaan xulkeena kala soo laabtay Uganda inay tahay mid niyadda ka sii dileysa bulsho weynta Isboortiga Soomaaliyeed oo iyagu horay qaati uga taagnaa in mar walba Soomaaliya lagu soo dhibco badsado.
Iyadoo aanay xumaan ahayn ayaa ciyaartoydii Soomaaliya mataleysay waxa ay u ekaayeen qaar ay macluuli dillootay, caato caatonimada ay yihiin darteed, waxaana 90-kii daqiiqo oo ay ciyaarayeen ka muuqaneysay daal fara badan, farsamo xumo, niyad jab laadad dhaadheer oo micnaheedu tahay “Kubadda iga fogee”, is faham darro, tabar darri, wada shaqeyn la’aan, kalsooni xumo iyo in iyaga xubno ka mid ah ay garoonka iska dhex taagtaagnaayeen kaddib kolkii uu wadnaha afka u soo galay isla markaana ay xamili waayeen awooda jireed ee ciyaartoydii ka soo horjeeday.
Daawadayaal aad u fara badan ayaa madax xanuun ka qaaday guul darrooyinkii is xig xigay ee Soomaaliya ka soo food saaray magaalada Kampala, waxaana haatan goobaha ay ku kulmaan bah weynta Isboortiga ka socota doodo ku aadan in wax la iska weydiiyo goolashii aan xadka lahayn ee Soomaaliya laga soo laqsiiyay ciyaarihii bariga iyo bartamaha Afrika, iyadoo isweydiintu ay u badan tahay eeda guul darrooyinkaasi ma ciyaartoydaa iska leh, mise xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, mise meel kale ayay sartu ka qurunsan tahay.
Nabar aad fileysay naxdin ma leh, sidaasi daraadeed waa iska cadeyd in xulka Soomaaliya lagu soo durdurin doono, maxaa yeelay xul aan heysan nolol, dawo, qalab, hoy lagu xareeyo, mushaar, macallimiin fiican, isla markaana lagu soo xulo nidaam u dhow habka ay Soomaalidu wax ku qeybsato ee loo yaqaano 4.5, way adag tahay in wax natiijo ah laga sugo.
Horay ayaa mar wax looga weydiiyay walaalaha jufada Sacad ee beesha H/Gidir oo hoggaamiya Xiriirka K/Cagta kalana ah Guddoomiye Cali Saciid Guuleed iyo Xoghaye Guud C/Qani Saciid Carab waxaa laga soo xigtay in ujeedka Soomaaliya uu ku eg yahay ka qeyb gal oo qura, balse aan wax guul ah laga sugeynin si ay madaxda Xiriirka ugu fududaato ka qeyb qaadashada shirarka CECAFA, CAF iyo kan FIFA, isla markaana ay u ilaashadaan dhaqaalaha lagu bixiyo magaca K/Cagta, iyo xubinimada ururradaasi oo la weyn karo haddii aan laga qeyb gelin ciyaaraha caalamiga ah.
Sida xaqiiqda ah sidaan si ma ahan ee armay haboon tahay in la is daba qabto, waxaana shaki ku jirin in karaamo beel weyn Kampala lagala soo noqday mar haddii xulkeena saddexdii kulan ee uu ciyaarayay laba ka mid ah laga dhaliyay ilaa iyo 12-gool ku dhan, taasi oo ku tuseysa halka hoose oo ay K/Cagta Soomaaliya mareyso ee Allow K/Cagta waa ku karaama beelnaye kuwa kale kor noogu qaad!.
Waxaa Qoray:
jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
Amazing! This blog looks exactly like my old one! It’s on a completely different subject but it has pretty much the same page layout and design. Excellent choice of colors!
Many thanks for your wonderful post.Genuinely thank you! Fantastic.
Its great as your other content : D, appreciate it for putting up.
I am very happy to read this. This is the type of manual that needs to be given and not the accidental misinformation that’s at the other blogs. Appreciate your sharing this greatest doc.
I really happy to find this web site on bing, just what I was searching for : D likewise bookmarked .
My guess is given that mercury thermometer pickup was free, then CFL pickup might be free also.
Quite intriguing car.
Is always that an Interstate 12 Volt battery from the engine compartment? Surely it’s not stock although we’ve got all observed quite a few converted cars considering the fact that at a single time finding a six Volt battery became tricky.
After washing it down, cannot twist dry, should water extrusion, again tile or hang to dry, banned exposure and do not iron, lest burns clothing.
Moncler Jackets,
Discount Moncler Jackets,
A1 Shoes jordan shoes for sale 2012 is a reputed store that offers a rare combination of authentic Jordans shoes, Cheap Air Jordan Shoes for Sale exclusive variety, special discounts, chat support for those requiring Air Jordan 3 Retro Black Cement help in making the decision Size 14 Air Jordans to buy the right shoes and above all a return policy in place.Air Jordan Air Jordan 4 Doernbecher for Sale shoes have not only air jordan 12 obsidian og dominated the sports and particularly the Basketball, but they also have been incorporated into the music world; for instance it’s not anything new to see pop music celebrities adorning the shoe. Hollywood celebrities too have not been left out.There are a number of countless moment’s celebrities, athletes, and popular music artists have been seen wearing Air Jordan shoes.
Ugu horeyn waa ka xumahay guul darada soo gaartay xulka Soomaaliya, waxaana jeclahay in wax laga qabto guul daradaas soo socotay mudada dheer. Ugu dambeyn qoraaga qoraalkaan qoray iyo Soomaalidamaanta waxaa ka codsanayaa in ay ka xishoodaan waxyaabaha aan ku habooneyn in meeshaan oo kale lagu qoro, sida qabiil iyo wixii lamid ah. Fadlan jooji qabiilka !!
waxaan dhihi lahaa waa sax qabiilka waa kan na duleeyay aan ka waan toowno .football kuna qabiil kuma dhisno ee waa wax bul shada iyo calamkoo dhan ka dhaxeeyo, dhalinyarada lasoo qadayo qof waliba wuxu ka fikiraa yaa ku daweynayo hadaad jabto waa arin aad murugo u ah lacag yar oo sabuun lama siiyo is ilaaliya ayaa la dhahaa inta niyada loo dhisi laha guul intuu ka keenaya qofkaan niyada sidaa looga jibiyay ok ciyaarta markay tahay home iyo away laba kulan gudigeena waxay dhahaan hal kulan nooga dhiga ilaahbaan kugu dhaarshay arka edeb daradaas iyo sharaf darada meesha taala waayo ayagii ayaba niyada ciyaartoyda ka dilaya// lacagtaas yar oo jiifka hotelka ayay diidayaan jeebka inay ku shubtaan ayaa dan u ah ,dhalinyarada ciyaarto way fiican yihiin balan qaad haloo sameeyo HA LAUGU DARO KUWA KALOO WANAGSAN AYAA AMERICA IYO YURUBA JOOGA HA LEYSKU DARO SIDA GABDHAHEENA BASKETBALLKA WAR IN DHAHA MAXAAN IISU TIREYNA SOMALIYEY XUL WALBO WADANKIISA WUU U DADAALA AAN KU DEYANO HALA DARYEELO DHALIN YARADA LASOO XULO HA LUGU SO DARO KUWA DIBADAHA AAD BAY IISU ANFACAYAAN QABIILKANA WUUBA DHAMANAYAA ILAAH HANAGA HAYO MARKAAD UGANDA AMA KENYA AMA BURUNDI KAA HOR IMAATO MA QABIIL BAA KU DIFAACAYA WA MAYA WAAN ARAGNAY INDHAHEENA AYAN KU FIIRSANAY XULKA SOMALIA WAX YAR AYA KA DHIMAN NIYADA HALOO DHISO QOFKII DADAALKIISU UU BADAN YAHAY HALA SO XULO ASC
Mahad sanid wariye wax fcn bad ka hadashay
Asc bahda somalida manta wa din wada salamaysalan kadibna dhacdada mesha ka dhacday aad ayaan uga xumahay rum ahantii tan mesha ka muqata ayaa ah cil iyo calool xumo tas oo ah in xul dhan dhib cahooda lagu tashto
wlhi waxan dhihi lahaa bahda kubada cagta in ay wax kavadalaan dhaqan kan hadii kale ay san kasoo qebgalin tar tamada wa wen oo laga dhigo calamka
kubada cagta loma kala sino ee halaga dayo qavilka iyo balayada waxana wanagsan xitaa hanagala badiyo lkn aan soo jedino banini lagu raxesto dawashadisa tasi ayaa mu him ah waxana afin rajaynayaa qer melkasta aad jogtaan guuul aomaliya
asalaamu caleykum bahda soomaalidamaanta. salaan ka bacdi, Illaa Sports-ka soomaaliyeed laga run sheego oo qabiilka iyo nin jecleysiga laga tago ma dhici doonto in soomaaliy in ay sidii Todobaatameeyadii iyo sideetameeyadii ku soo noqoto maxaa yeelay waxa Kubada cagta soomaaliya mar walba matala waa qabiil qura anigoonan jecleyn in aan carabka ku dhufto haddana waa wax aad looga fiican yahay. Xiriirka kubada cagta soomaaliyeed waa in iyaga laftirkoodu ay heli karaan wakiilo faro badan oo soomaaliya qeybaheeda kala duwan ka soo jeedan si kuwaasi u soo helaan dhalinyaro aan hal meel ka soo jeedin oo isku dhex jira ah sidaasaana soomaali dhilintooda la isugu keeni karaa.