1: Wednesday, December 12, 2012 - 13:34:25
2: 532 Jeer.

Vidic wuxuu wajihi doonaa Sunderland sidaa waxaa sheegay Sir Alex

Waxaa Qoray:


Macalinka koxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in daaficiisa Nemanja Vidic uu wajihi doono kulanka Sunderland ee Sabtiga soo socoto .

Daaafac reer Serbia ayaa usaftay kooxdiisa kulamo yar xili ciyaaredkan 2012 waxaana kooxda Red Devils laga dhaliyay 23 gool kulamada Premier League tan markii uu dhaawcmay.

Waxaa jiray warar hore oo sheegayay in Vidic laga yabo inuu soo noqonaayo kulankii Axadii hore ee Manchester derby, lakin Sir Alex ayaa warkaas beeniyay.

“waxay ahaan laheyd waali in aan ciyaarsiiyo kulankii City, lakiin kulanka Sunderland wuu ciyaari kara ayuu u sheegay wariyaasha .

“18 -kii bilood ee ugu dambeysay waxaa uu ciyaaray 10 kulan oo kaliya ,waa hogaamiye wanagsan oo kooxda wax fiican u leh ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale