1: Wednesday, December 12, 2012 - 20:53:27
2: 53 Jeer.

Ururka Midowga Yurub oo Puntland ka caawinaya waxbarashada

Waxaa Qoray:


Midowga Yurub ayaa gacan ka gaysanaya horumarinta waxbarashada deegaannada maamulka Puntland, iyadoo deegaannada maamulkaasi maanta laga billaabay barnaamij waxbarashada lagu kaabayo kaaso oo ay EU-da bixinayso qarashaadka ku baxaya muddo saddex sano ah.

Barnaamijka ayaa loogu magac darray Waxbarashada Iftiinka, waxaana daaha ka rogay wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Wasiirka waxa uu sheegay in barnaamijka oo isugu jira horumarinta waxbarashada aas-aasiga, dugsiyada sare, xirfadaha, farsamada iyo waxbarashada dadban ay ka faa’ideysan doonaan kumannaan arday ah.

Barnaamijkan Waxbarashada Iftiinka ayuu Midowga Yurub ku qarash garayn doonaa 7.5 miliyan oo Euro, muddada saddexda sano ah ee uu soconayo.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay inay ka faa’ideysan doonaan waxbarashadan 21 kun oo arday isugu jira kuwa aas’aasiga iyo dugsiyada sare, 24 kun oo waxbarashada dadban ah, halka 700 oo ardeyna ay kaga faa’ideysan doonaan waxbarashada farsamada iyo xirfadaha kale.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale