Waxaa la aqristay: 368 Jeer.
UN oo soo bandhigay Dukumiinti lagu heeysto Ganacsade Soomaali ah oo ka macaasho Afduubyada Ajaanibta loo geesto (Warbixin)
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Sida lagu soo dabacay Wargeyska The Times of London ayaa sheegaya in warbixin ay soo saartay QM, ay ku xustay inuu Jiro macluumad qarsoon waxa ayna ku sheegtay in tiro ganacsato soomaali ah ay xiriir la leeyihiin Burcadda af-duubata Ajaanibta kuwaasoo ay QM ku sheegtay inay u dhuun-daloolan ka macaashida Afduubka la heestayaasha
Wargeyska ayaa sheegay in illaa iyo iminka ay hayso QM macluumaad ku aadan nin asal ahaan kasoo jeeda Somalia balse iminka haysta dhalasho Britain, waxa uuna Wargeyskaasi qoray in ninkaasi ay QM ku cadeysay ka macaashida kala iibsiga Ajaanibta Somalia gaarta.
Qoraal kusoo baxay Wargeyska ayaa lagu sheegay in Sanadkii 2012 warbixin ay diyaariyeen Hay’adda QM, Gaar ahaan Qeybta qaabilsan Cunoqabatnyta Hubka iyo ka hortaga Musuq-maasuqa Soomaaliya iyo Ereteeriya in ay ku soo saareen lifaaq magacaabaya nin haysta dhalashada dalka Britain, isla markaana ah ganacsade asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya in uu doorweyn ka ciyaarey afduub ka dhacay Soomaaliya sanadkii 2009-2012.
Wargeysyada kasoo baxa London ayaa inta badan si aad wax uga qoraaya Arinta la xiriirta ka macaashida Ajaanibta ku qul-quleysa Dalka Somalia waxa ayna xusayan in arinkaasi ay Dowr weyn ka cayaarayan Ganacsatada soomaalida ee iminka haysta Dalashada Britain
Wargeyska ayaa sidoo kale Qoray in Ninkaasi ganacsadaha ah uu masuul ka yahay afduubkii loo geestay Lamaane Ajaanib ah oo ay gacanta ku haysteen Burcad Soomaali ah oo ka macaashta afduubka ajaanibta
Si kastaba ha ahaatee arintaani ayaa imaaneyso xilli Amaanka Dalka Somalia uu sii liidanaayo waxaana la rumeysan yahay in Ragga Ganacsatada ah ee ka macaasha kala iibsiga Ajaabinta afduubka loo heysto ay ka diiwan Gishanyihiin Hay’adda QM.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
