1: Saturday, February 23, 2013 - 09:48:13
2: 735 Jeer.

Turkish Airlein oo ka cabaneysa Musuq-maasuqa Soomaalida Yurub

Waxaa Qoray:

 

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airline ayaa ka cabaneysa Is-dibmarin ay ku kaceen Soomaalida ku nool Dalalka Yurubta, kuwaasi oo ay ku sheegtay inay Somalia ku imaadan Dalxiis kadibna ay Muqdisho si is xumbaar ah uga qaadan Dad farabadan.

Afhayeen u hadlay Shirkadan Turkish Airlines Merve Oruc ayaa shaaca ka qaaday in Gudaha Bishaani ay heleen in kabadan 20-Ruux oo ku safraaya Baasaboor aysan lahayn, waxa uuna sheegay in arintaasi ay ku fashilmeen Balse Shirkadda Turkish Aielein ay ku sumcad weysay, isagoo tilmaamay in waaxda socdaalka Soomaaliya ay kala shaqeynayaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

Waaxda Socdaalka Jinsiyadaha ayaa arintaasi walaac ka muujisay kadib markii ay gacanta ku dhigeen Dukumiintiyo badan oo la doonaayay in lagu safriyo Soomaali badan waxa ayna shaaca ka qaaden in dadkaasi magacyadoooda u gudbin doonaan Dowladaha ay ka haystaan Dhalashada. 

Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Turkish Airline ayaa sheegay in Garoonka Aadan Cadde ay kensan Doonaan Saraakiil Khubaro ah oo il gaar ah ku eega Soomaalida dooneysa in Magaaladda Muqdisho ay ka qaadan dad Is xambaar ku baxaaya waxa ayna sheegen in Fariin kama dambeys ah u gudbiyeen Saraakiisha Soomaalida ee howsha kawada Garoonka Aadan cadde.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale