1: Saturday, November 17, 2012 - 18:41:39
2: 263 Jeer.

TB-da adkeysiga u yeelata daawooyinka oo ku fideysa dalka Soomaaliya

Waxaa Qoray:

Cudurka Tb-da NoocaTB -da ee ee awooda iska caabinta u yeelata daawooyinka (MULTI DRUG RESISTANT TUBERCULOSIS ) MDR TB ayaa si aad uga fideysa dalka Soomaaliya 22 -kii sano ee bur burka iyo dowlad la’aanta maadaama aysan dalka ka jirin jirin cusbitaalo si gaar ah loogu daweeyo bukaanada qaba cudurkan.

Bishii October 2012 ayey Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO markii ugu horeysay dalka keentay sheybaar si gaar ah loogu baara MDR TB -da waxaana la sheegayaa in 500 qof oo qaba cudurkan ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho ku nool ilaa 70 qof oo cudurkani hayo inkastoo 10 qof oo bukaanadaas ka mid ah ay cudurka u geeriyoodeen.

MDR TB ayaa adkeysi u yeelata labada daawo ee ugu awooda badan safka horana kaga jira daaweynta cudurka kuwaas oo kala ah ISONIAZED iyo REFAMPICIl, waxeyna noocan TB-du horumartaa xilliga asaasiga ah ee daweynta marka uu qofku kala gooyo isticmaalka daawada iyo heerka daawada oo aan ku filneyn 100% dilida bakteeriyada.

MDR TB waxey kaloo horumartaa marka qofka bukaanka ahi dareeyo roonaasho ( BOGSASHO ) joojiyana isticmaalka daawada ANTIBIOTIKADA, waxaa kaloo sababa daawada oo kala go’da ama aan dhameys tirneyn iyo qofka bukaanka ah oo ilooba isticmaalka daawada waqti ilaa waqti, wuxuuna cudurkan MDR TB ku fidaa qof ilaa qof.

Hadaba hay’adaha caafimaadka waxaa la gudboon in ay il gaar ah ku fiiriyaan cudurkaan MDR TB oo aan ilaa iyo hada dawadiisa dalka laga helin , waxaana waajib ku ah in ay u istaagaan sidii deg deg loogu heli lahaa cusbitaal qaabilsan daweynta cudurkaan si shacabka Soomaaliyeed dhibaatadiisa looga bad baadiyo.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale