HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Saturday, February 2, 2013 - 14:47:25
Waxaa la aqristay: 145 Jeer.

Tartanka Cirbixiyeenadda Xayawaanadka ah ee Hawada sare loo dirayo oo sii kordhayso.

Waxaa Qoray:

ok  hh

Dowladaha Caalamka siiba kuwooda horumaray ayaa Loolan ugu jira sidii ay horumar uga samayn lahaayeen dhinaca Teknoolajiyadda iyo Tartanka Dayax-gacmeedyadda loo dirayo Hawada Sare, si macluumaadyo uga soo ururiyaan.

Dowladha Reer Galbeedka, siiba Maraykanka waxay dhawaan ka qeyliyeen Tallaabo ay Dowladda Iiraan ku tijaabisay Dayax-gacmeed oo uu Cirbiyeen ka aha Daayeer la tababaray.

Telefishinka Iiraan ayaa isbuucii hore si toos ah u tebinayey markii Gantaalka Dayax-gacmeed xambaaraha ee hawada sare loo ganay, iyadoo Cirbixiyeen Daayeer ah uu la socday.

Dayax-gacmeedkaasi oo lagu magacabo Pishgoon, waxa uu tallaabo guul ah u noqday Iiraan oo iyadu cadowtooyo diplomaasiyadeed kala dhexeeyo Reer Galbeedka oo saluugsan Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.

Hadal ka soo baxay Dowladda Iiraan, ayaa lagu sheegay in Dayax-gacmeedkii uu la socday Daanyeerka Cirbixiyeenka ah uu si nabad ah dhulka ugu soo laabtay, markii uu soo dhamaystay hawlihii loo diray.

Dowadda Maraykanka waxay shaki gelisay  inuu Daayeer cirbixiyeen ka ahaa Dayax-gacmeedkii ay Iiraan hawada u gantay, waxayna ku eedeeyeen Dowladda Iiraan inay  ku qarinayso horumarinta Gantaalladda Ridada Dheer ee madaxa Nukliyeerka lagu rakibi karo.

okDhorkii sannadood ee la soo dhaafay, Dowladda Iiraan wxay horumar lixaad leh ka samaysay Horumarinta Teknoolajiyadda Hawada Sare iyo noocyadda Hubka.

Sannadkii 2011-kii  waxaa fashil ku yimid  isku-day ay Iiraan Dayax-gacmeed hawada sare u diri lahayd.

Laakiin, sannadkii 2010-kii, waxay Iiraan hawada u gantay Dyax-gacmeed ay la socdeen xayawaanaad kala duwan, sida doolli iyo gooryaano .

Si kastaba ha ahaatee, Tartanka Cirbixiyeenadda Xayawanaadka (The animal Astronout) ayaa ahaa mid soo bilowday Xilliyaddii uu Dowldaha waa weyn ka dhexeeyey Dagaalkii Qaboobaa.

Dowladda Maraykanka, ayaa ugu horreysay Cirbixiyeen xayawaan ah oo hawada loo diro,waxayna sannadkii1949-kii hawada sare u dirtay Dayax-gacmeed uu Cirbixiyeen ka ahaa Daanyeer la oran jirey Albert II.

Dalkii la oran jirey Midowgii Soofiyeet (USSR) ayaa kaalinta labaad ku guuleysatay, iyadoo  sannadkii 1957-kii hawada sare u dirtay Dayax-gacmeed uu la socday Eey la oran jirey Latika.

Sidoo kale, Sannadkii 1961-kii, ayey hawada sare u direen Dayx-gacmeed ay la socdeen dooli, doofaar iyo rah ma rako.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale