HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Thursday, February 21, 2013 - 19:26:36
Waxaa la aqristay: 513 Jeer.

Tan iyo 2005 Afarta kooxood ee Spain oo halis ugu jira inay u soo gudbi waayaan wareegga 8-da ee Champion League

Waxaa Qoray:

4-teams-in-spain

Kaddib guul daradii xumeed ee gaartay kooxda Barcelona taasoo ay kala kulantay Kooxda Milan ayaa dadka Ciyaaraha ka faalooda waxa ay leeyihin Afarta kooxood ee Spain waxa ay halis ugu jiraan inay soo gaari waayaan wareegga sideedda tartanka horyaalada Yurub.

Real Madrid ayaa gurigeeda Bernabeu 1-1 kula gashay Kooxda Manchester United, iyadoo laga war dhowrayo waxa ka dhaca Garoonka Old Trafford, kooxda Valencia ayaa gurigeeda 2-1 loogu awood sheegay, Malaga ayaa guul daro 1-0 kala kulantay FC Porto, halka Barca 2-0 lagu maray, sidaas darteed ayaa loo badinayaa in Afartaas kooxood ee reer Spain ay soo gaari waayaan wareegga sideedda ee Champions League.

Haddii sheekadan ay dhab noqoto oo Afarta reer Spain ay isoo bixi waayaan wareegga sideedda tartanka horyaallada Yurub ayaa waxa ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo tan iyo sanadkii 2005 ay kooxaha Spain u soo gudbi waayaan wareegga siddeeda.

Waxaa la xusuustaa Sanadkii 2005 kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ay ka soo bixi waayeen Wareegga 16-ka halka Valencia iyo De Portivo ay ku hareen wareegga Group-yada ee Champion League.

Aqriste ma aaminsan tahay adigu inay dib u soo noqon doonto sheekadii 2005, isla markaana kooxda Spain oo idil ay u soo gudbi wayn doonaan wareegga sideeda tartanka Hoyaallada Yurub.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

5 Comments for “Tan iyo 2005 Afarta kooxood ee Spain oo halis ugu jira inay u soo gudbi waayaan wareegga 8-da ee Champion League”

  1. Amadeeya

    Kood reer spain ah aya qadeesa wali real madrid inay noqoto ayan jeclahay barca iyo malaga iyo wali valancia rajadooda way xuntahay balse real waa 99% rajadeeda mahad sanidiin wa ra igayga ookaliya wixi dhaca waan wada sugenaa

  2. Xarbi xasan cagafey

    Dabcan laka yabo iney dacdo tii okali lakin ma umaley hayo tas

  3. shiqalow

    Maya lkn waxa kaso bixi kara malaga wa ay ku badin karaan gurigoda halka kooxda real madrid ay usahlantahay in ay uso gudubto wareega 8aad madama ay ubahantahay okaliya 2goal oo nadiif ah .waxa islehay ani ra’yi ahaan madhici donto tii 2005 lkn barca hawada aya lagu cunay viiiiva real madrid

  4. Tageraha somalidamanta

    Anigu wan amisanahay sanadkan iney sogudbidonin koxaha spanishka sadaasheydu 8koxod wa kuwan:- england 1kox man utd, italy 2kox juve and acmilam, germany 2kox borush dourtmoumd and bayern munich, french 1kox paris saint germany, turkish 1kox calastalary portugal 1kox porto. 1. man utd 2. Juventus 3. Acmilan 4. Bayern munich 5. Borussia dortmund 6. Paris saint germany 7. Porto 8. Calastaray.

  5. Thanks

    Anigu wan amisanahay sanadkan iney sogudbidonin koxaha spanishka sadaasheydu 8koxod wa kuwan:- england 1kox man utd, italy 2kox juve and acmilam, germany 2kox borush dourtmoumd and bayern munich, french 1kox paris saint germany, turkish 1kox calastalary portugal 1kox porto. 1. man utd 2. Juventus 3. Acmilan 4. Bayern munich 5. Borussia dortmund 6. Paris saint germany 7. Porto 8. Calastaray.

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale