Waxaa la aqristay: 404 Jeer.
Talyihii Ciidamadda Nabad Sugidda Shibis oo xalay la qaarijiyay.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Waxaa habeennimadii xalay ay kooxo hubeysan ku dileen Dagmada Shibis gaar ahaan Xaafadda Nasiib Buundo Talyihii Ciidamadda Nabad Sugidda ee Dagmadaasi xilli uu Taliyaha ku sugnaa agagaarka hooygiisa
Taliyaha la dilay oo lagu Magacabi Jiray Cali Maxamed Axmad ayaanan la garaneynin ragga dilka u geestay waxaana la sheegay dilka kadib in Kooxihii dilka geestay ay goobta ka baxsadeen.
Warsame Maxamed Xasan Warsame Joodax Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amaanka gobalka Banaadir ayaa xaqiijiyay dilka Taliyaha waxa uuna sheegay Guddoomiye ku xigeenka inay ku howlan yihiin ragii dilka u geestay Taliyaha ayna soo taagi doonaan Maxkamad sida uu hadalka u dhigay
Si kastaba ha ahaatee Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu soo waramaaya inuu dhowr mar ka baxsaday Dil hayeeshe Habeennimadii xalay uu ku dhacay dabintii ay Kooxo hubeysan u dhigeen.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
