1: Thursday, February 21, 2013 - 11:25:00
2: 113 Jeer.

Taliyihii hore ee Ciidamadda AMISOM oo loo magacaabay Safiir ku xigeenka Ugandha ee Somalia.

Waxaa Qoray:

 

Warbaahinta Dalka Ugandha ayaa sheegtay inay Dowladda Ugandha ka furaneyso Safaarad dalka Somalia, waana markii ugu horeysay oo Ugandha Dib usoo celiso Safaaradooda oo la xiray markii bur-burtay Dowladdii kacaanka.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee dalka Ugandha Henry Okello Oryem ayaa soo saaray qoraal uu ku magacaabay Safiirka Cusub ee Ugandha u fadhin doono magaaladda Muqdisho.

Safiirka Cusub ayaa lagu magacaabaa Prof Sam Turyamuhika, ayaa lagu wadaa in dhawaan uu soo gaaro Magaaladda Muqdisho si warqadihiisa uu ugu gudbiyo Madaxweynaha Somalia.

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda arimaha Dibadda Ugandha waxaa lagu sheegay in Taliyihii hore ee Ciidamadda AMISOM Maj Gen Nathan Mugisha, loo soo magacaabay Safiir ku xigeenka Safaaradda Ugandha ee Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee dalka Ugandha Henry Okello Oryem ayaa sheegay in Magacaabista iyo dib u furista Safaaradooda Somalia tahay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Ciidamada Dowladda Ugandha ee Qeybta ka ah Howlgalka AMISOM waxay kaalin muhiim ah ka qaaten Howlgalka looga soo horjeedo Al-qacidada Somalia ee Al-shabaab.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale