1: Monday, December 10, 2012 - 18:01:54
2: 119 Jeer.

Taliska AMISOM oo ka hadlay qabsashadii Jowhar

Waxaa Qoray:

Saraakiisha Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qabsashada magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa shaacisay warkan iyadoo soo xiganeysa Taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM oo qadka taleefanka ay kula hadashay qabashadii Jowhar kaddib.

Gen. Andrew Gutti taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo wareysi siinayey wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay in qorshaha lagu qabtay Jowhar uu ahaa mid horay loo soo diyaariyey islamarkaana taxane soo ahaa.

“Qabashada Jowhar waxay ahayd mid horay loo soo qorsheeyey, Shalay ayeyna ahayd xilligii u go’naa in la qabto, waana lagu guuleystay” ayuu yiri Gen. Andrew Gutti.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Jowhar ay tahay magaalo muhiim u ah Dolwadda Soomaaliya maadama ay meel muhiim ah ku taalo ayuu hadalkiisa ku daray Mr. Guti.

“Qabsashada Degmada Jowhar waxay nagu hoggaaminaysaa inaan sugno ammaanka dadka ku nool gobollada Hiiraan iyo Shabeellooyinka,” ayuu mar kale yiri taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Gen. Andrew Gutti.

“Ciidamadeenna isku dhafka ah hadda waxay gudaha Degmada ka sameysteen difaacyo, dadkana Degmadana waxaan ugu baaqaynaa inay is-dejiyaan.” Ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda iyo Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, halkaas oo muddo afar sano ka badan ay ka arriminayeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Waxaa qoray

Haaruun Khasaaro

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale