1: Tuesday, December 11, 2012 - 13:00:57
2: 1,514 Jeer.

Taleefoon kaftan loo diray oo dhimasho sababay

Waxaa Qoray:


Waxa xaqiiqatan jirta oo aduunka ku soo badanaaya dad badan oo u shaqeeya saxaafada aduunka oo had iyo jeer ka qadhaabta tilifoonada ama ka faa´iidaysta fursado qaali ah oo aan si kale loo heli karin. Hadaba waxa dhacday in wiigan tilifoon laga diray Radio ku yaala magaalada Sydney ee dalkan Australia. waxaana tilifoonkaas loo diray dhakhtar ku yaala magaalada London oo magaciisa la yidhaahdo King Edward VII Hospital. Dhakhtarkaas oo arimo caafimaadka la xdhiidha awgood loo keenay gabadha magaceeda la yidhaahdo Cate Middleton ee u dhaxday amiirka sugaya dhaxalka wadanka Ingiriiska ee la yidhaahdo Prince William.

Hadaba gabadhan iyo arimaha caafimaadkeeda la xidhiidha oo aad looga ilaalinaayey saxaafada Ingiriiska iyo dabcan tan aduunka kaleba, maadama hada la soo sheegay in ay uur leedahay, dhakhtarkana ugu jirto baadhitaan caafimaad oo ah mudo yar oo kooban.  Waxa hadaba dhacday in Tilifoonkan laga soo diray raadiyo (Radio) ku yaala magaalada Sydney oo ay ka soo hadlayeen laba qof oo kala ah gabadha magaceeda la yidhaahdo Ms Mel Greig iyo ninka magaciisa la yidhaahdoMr Michael Christian oo labaduba ka hawl gala idaacadaas ku taala dalkan Australia ayaa la soo xidhiidhay dhakhtarka ay taalo gabadhaasi. Iyadoo layska dhigaayo in ay yihiin Boqorada dalkan Ingriiska maamusha Queen Elizabeth  iyo wiilkeeda Charles (Dhegaweyne) Waxay hadaba labadan weriye ay ku guuleysteen in ay luqada ugu hadlaan sida Ingiriisku ugu hadlo, isla markaasna si fiican u keenay lahjada ay ku hadlaan Ingiriisku oo runtii ah lahjad qaab daran oo laga guuray. Taas oo dhalisay in gabadha dhakhtarkaas ka shaqeynaysay ee magaceeda la odhan jiray Ms Jacintha Saldanha oo ahayd neeras ama kalkaaliso ka hawl geli jirtay cusbitaalkaas, in ay mooday qofka la hadlayaa in ay tahay boqoradii dalkan ingiriiska iyo wiilkeedii oo doonaaya in ay wax ka ogaadaan xaalada caafimaad ee gabadhooda dhakhtarka ku jirta. iyadoo ka dibna tilifoonkii sii gudbisay isla markaasna halkaas xaaladeedii oo dhamaystiran looga waramay.

Waxa hadaba dhacday in markii guud ahaanba la ogaaday in dadka soo hadlay ee warbixinta guud la siiyey in aanay ahayn boqoradii dalkan Ingiriiska laakiin ay yihiin laba qof oo kale oo ka soo hadlaayey raadiyo ku yaala dalkan Australia. Ayaa waxa dhacday isku dhex yaac badan oo dhakhtarkaas gudihiisa ah. Hadaba ka dib fadeexada intaas leeg ka bacdi, waxa taasi dhalisay in ay is disho gabadhii neerasta ama kalkaaliyaha ka ahayd dhakhtarkaas ay taalay gabadha reer Boqor. Hadaba arintan oo markii hore ciyaar ciyaar ku bilaabantay ayaa hada waxay maraysaa meel talo faraha ka baxday, ka dib  Markii ay is dishay gabadhaas, hadaba arintan oo ay maalmihii ina soo dhaafay ay saxaafada aduunku qaada dhigaysay ayaa waxa dhacday. In ay is dhaafsadaan maqaalo laysku weeraraayo gaar ahaan labada saxaafadood ee ka kala hawl gala dalkan Ingiriiska (England) iyo dalkan Australia. Hadaba joornaalada ka soo baxa dalkan Ingiriiska ee la yidhaahdo, The Sun, the Daily Mail, the Guardian and the Express. kuwaas oo weerar cir iyo dhulba ah ku soo qaaday raadiyaha dalkan Australia iyagoo ku eedaynaayey in ay masuul ka yihiin fadeexadaas dhacday iyo geeridaas lama filaanka ah ee ku timi gabadhaas kalkaalisada ahayd oo asal ahaana ka soo jeeday dalka hindiya (India)

Waxa hadaba iyaguna sidoo kale weerar celis sameeyey joornaalka ugu afka dheer isla markaasna ugu caansan dalkan Australia ee loo yaqaano Sydney Morning Herald oo si weyn u difaacay labadan muwaadin isla markaasna ku eedeeyey dawlada, dhakhtarka iyo saxaafada dalkan Ingiriiskuba in ay edeb yeeshaan, isla markaasna aanay iloobin waxa loo yaqaano xoriyatul qawlku waxa uu yahay. The Freedom of Expression and the Freedom of the Press. Walaw ay arintani ay damaqday Raysul wasaaraha dalkan Australia marwo Julie Gillard oo iyada qudheedu ku soo biirtay dadka ka xumaaday kana hadlay arintan dhacday, isla markaasna tacsi u dirtay gabadhaas dhimatay reerkoodii, sidaas oo ay tahay wax danbi ah oo ilaa hada lagu soo oogay labadan wariye ma jirto. walow booliska dalka Ingiriiska ee loo yaqaano The Scotland Yard, ay la soo xidhiidheen booliska magaalada Sydney ee dalkan Australia sidii ay arintaas u wada baadhi lahaayeen, ka dibna maxkamad loo soo saari lahaa labadaas weriye hadiiba wax denbi ah lagu helo, arintaas oo aan ilaa hada lagu guulaysan.

Sharmake Yuusuf Nuuryey  (BALISHIRE)
Melbourne/Australia.  
Email: balishire@live.com.au

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale