1: Saturday, February 2, 2013 - 14:39:58
2: 93 Jeer.

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xiran dalka Zimbabwe oo ku hanjabay inay cuntadda ka soomi doonaan.

Waxaa Qoray:

mmmmmmmm

Tahriibayaal Soomaali oo ku xiran Xabsiga Harare  Remand Prison ee ku yaalla Caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare ayaa ku hanjabay inay cuntadda ka soomi doonaan.

Tahriibayaashan oo la soo qabtay xilli ay ku sii jeedeen dalka South Africa, ayaa cabasho ka muujiyey xarigooda, iyagoo sheegay in loo adeegsado hawlo culus.

Wakaalladda Wararka ee dalka Zimbabwe (New Ziana) ayaa xaqiijisay in Maxaabiis tiradoodu ka sarreyso 611-qof ku xiran Xabsigaasi, kuwaasi oo badankooda u kala dhashay dalalka Somalia, Uganda, Tanzania iyo Kongadda dimuqraadiga.

Wakaalladdu, waxay sheegtay in Maxaabiista badankooda ku hanjabeen inay cuntadda ka soomi doonaan, haddii aan wax laga beddelin xaalladda nololeed, isla markaan aan loo fududeynin sidii dalalkooda hooyo loogu masaafurin lahaa.

Sarkaal ka tirsan Taliska Xabsiga Dhexe ee Zimbabwe, ayaa sheegay inaysan Maxaabiistaasi haysanin Waraaqaha Aqoonsiga ee Qaxootinimadda, isla markaana ay si sharci-darro ah ku soo galeen Zimbabwe.

Qaar ka mid ah Maxaabiista, ayaa laga dayrinayaa xaalladooda caafimaad, mana jiraan Hay’addo u ololeynaya sidii Maxaabiistaasi shisheeye xal loogu heli lahaa/

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaan wax hadal ah ka soo saarin Tahriibayaashaasi ku xiran Zimbabwe, iyadoo Hay’addu quudiso Kumanaan Qaxooti Afrikaan ah oo ku jira Xerooyin ay uga ooday gudaha dalkaasi.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale