Waxaa la aqristay: 330 Jeer.
TACSI TIIRAANYO LEH: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Xaaskiisa Faaduma Xasan Cali, Xildhibaanno, Diblomaasiyiin iyo Waxgarad kale ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cismaan Axmed Rooble.
Allaha u naxariistee waxa magaalada London ee carriga Ingiriiska fiidkaan (waqtiga salaadda magribka) Isniin Diseembar 10, 2012 ku geeriyooday Marxuum Cismaan Axmed Rooble. Haddaba, qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday ayaa waxa tacsi u diray Ra’iisul Wasaarihii Hore Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Xaaskiisa Faaduma Xasan Cali, Xildhibaanno hore sida Cabdullaahi Geedi Shadoor, Xuseen Carraale Caddaan, Salaad Cali Jeelle, Maxamed Xuseen Raage, Ibraahim Sheikh Cali (Jeebo), Maxamuud Geedi Aw Hilowle, Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Xildhibaan Prof. Dr. Cismaan Maxamuud Dufle, Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone iyo xubno kale.
Tacsi la mid ah waxa diray Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Cabdi Jiinow Calasow, Danjire Maxamed Maxmuud Tifow, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Danjire Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Baribari), Danjire Maxamed Colow Barrow, Danjire Cabdullaahi Sheikh Maxamed, Dr. Xuseen Cali Axmed. Prof. Cabdullatif Maxamuud Cabdi, Jeneraal Nuur Maxamed Maxamuud (Nuur Shirbow), Dr. Cumar Calasow, Prof. Maxamed Abshir Foodey, Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, Geedi Raage Xasan, Axmed Cumar Xabeeb (Jaandhaay), Bashiir Raage Shiiraar, G/Sare Ibraahim Sheikh Muxyadiin, Maxamuud Cumar Caddaan, Maxamed Cabdulle Xasan (Siidi), Cabdullaahi Mukhtaar Sheikh, Sheikh Cali Maxamuud Xasan (Sheikh Cali Wajiis), Cali Guudlaawe, Caddow Raage, Cali Caddow Cali (Cali Jamiil), Macallim Cubeyd Barre, Garaad Xuseen Maxamuud Xasan (Xaaji Cagey), Maxamuud Xareed Dhegey, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuula Sheikh Axmed Gaballe, Madiina Caamir, Dahabo Cumar Maxamed, Shamso Cali Macallim, Xaliimo Maxamed Geedi, Madiino Yarey, Raxmo Cibaar, Faduma Muxyadiin Maxamed, Caasha Cuunsheeye, Xaawo Cuunsheeye, Khadiija Xuseen Tuuryare, Madina Caddow, Dahabo Raage, Xabiibo Xasan Galac iyo Bintow Axmed Maxamed.
Meydka marxuumka ayaa maalmaha soo socda loo duulin doonaa magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasi doono.
Marxuumku isagoo dhallinyar wuxu qayb libaax ka soo qaatay halgankii gobanimo doonka Soomaaliyeed; dowladdii daakhiliyada wuxu ka noqday wasiirka maaliyadda; sannadkii lixdankii markii ay dhalatay dowlad Soomaaliyeed wuxu noqday xildhibaan laga soo doortay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe; labadii doorasho ee xigtayna waxa laga soo doortay Degmada Aadan Yabaal ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe. Marxuumku xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxu ka noqday Wasiiru Dowlaha Shaqaalaha halka uu xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal ee kacaanku uu ku dhashay uu ka noqday wasiirka Gaadiidka.
Marxuum Cismaan Axmed Rooble wuxu ahaa gancasade weyn oo caan ka ah dalka Soomaaliya iyo dunida kaleba taasoo sababtay inuu noqdo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed sannadihii siddeetamaadkii. Marxuumku wuxu kaloo caan ku ahaa u ololeynta nabadda iyo samafalka.
Mas’uuliyiinta tacsida diray ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu Jannadii fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, eheladii, askaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. AAMIIN.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
I went over this site and I think you have a lot of fantastic information, saved to fav (:.
Yeah. I keep on asking these antisemitic posters when it really is my convert within the caves of Bermuda to control the environment money supply (someone’s lost the roster with my brand on it), ’cause I might love to fly the kids out and claim the lodge room like a business enterprise expense (so no just one knows I am while in the caves, the thing is)but they never ever seem to know. n nHenry Adams was really undistinguished. Exterior of History Classes at the advanced Uni level, no 1 I realize reads him today. Thus generally to Amalek.
I am not resistant towards the agree using the concerns a human being suggested.
May I simply say what a relief to discover somebody that truly knows what they’re talking about on the internet? You definitely know how to bring an issue to light and help it become significant. A lot more people must look at this and understand this side of your story. It really is surprising you are not more popular considering that you certainly hold the gift.