1: Wednesday, December 12, 2012 - 12:57:35
2: 190 Jeer.

Tababare Prandelli oo amaanay Totti

Waxaa Qoray:


Cesare Prandelli macalinka xulka talyaaniga ayaa ku amaanay Francesco Totti in uu yahay ciyaaryahan dhameystiran oo tusaalo unoqon kara jiilka cusub ee Talyaaniga.

Macalinka xulka Azzurri oo maanta ka hadlaayay halka loo yaqaano Pisayaa ugu hambalyeeyay Totti goolkiisa 221 –aad ee Serie A ee todobadkaan uu dhaliyay .

Macalinkan aya sidoo kale amanay ciyaaryahanada kala ah Mattia De Sciglio, Insigne, Mattia Destro iyo Stephan El Shaarawy oo wax muuqda sanadkan ka sameeyay horyalaka Talyaaniga.

Totti oo ka fariistay ciyaaraha heerka qaran ee xulkiisa wixii ka dambeeyay ciyaarahii koobkii aduunka sanadkii 2006 ayaa waxaa afar gool kaliya uu ugu harsan tahay jabinta rikoorka gool dhalinta Serie A-da Talyaaniga.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale