Waxaa la aqristay: 509 Jeer.
SUUQA KALA IIBSIGA: Arsenal oo si buuxda ula soo wareegtay Nacho Monreal
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

Waxaa caawa qadar saacado ka dhiman xirmi doona suuqa kala iibsiga qaarada Yurub iyadoo kooxda Arsenal ay ugu danbeyntii lasoo wareegtay laacibka reer Malaga Nacho Monreal.
Ciyaaryahankan oo ka ciyaara dadabka bidix ee daafaca ayaa si buuxda ula soo wareegtay kooxda Arsenal ka dib markii ay miiska saartay £8.5million.
Arsene Wenger ayaa quuray aduunkaasi lacageeda isagoo baahi weyn u qaba inuu buuxiyo booska baalka bidix ee difaaca isagoo doonaya inuu badal ugu dhigo ciyaaryhan Kieran Gibbs oo ku dhaawacmay ciyaartii dhex martay Liverpool iyo kooxdiisa oo ku dhamaatay 2 – 2 habeenimadii Arbacada.
Monreal oo 26 jir ah una ciyaari jiray Malaga ayaa waxaa loo maray helistiisa laacibka ay koox wadaaga ahaan jireen ee Santi Cazorla oo haatan Arsenal u ciyaara.
Wenger ayaa ka quustay qaladaadka uu sameeyo Andre Santos kaasoo kulankii Stoke ay la ciyaaraysay Arsenal laga dheehan karay hoos u dhac ku yimi.
Arsenal oo haatan quud daraynaysa inaay lasoo wareegto David Villa ayaa kaabiga ugu jirta sidii ay Barcelona ugu dhaadhicin lahayd inaay lasoo wareegto iyadoo beeca la isku haysto.
David Villa laftiisa ayaa bogiisa kusoo qoray inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Arsenal oo si weyn u doonaysa waxaana dhici karta in saacadaha dhiman uu soo caga dhigto magaalada London.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
villa iyo mohamed diame welcome emarates waxkale marbtno hadan helno labadas viva somalia viva guneres and barca