Waxaa la aqristay: 376 Jeer.
SUUQ KALA IIBSIGA:- AC Milan oo sheegtay inay la wareegtay Mario Bollateli
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Kooxda AC Milan ayaa shaacisay goordhow in ay la wareegtay weeraryahankii kooxda Manchester City Mario Bollateli ,kaas oo ay ku qadatay aduun dhan £20milion.
Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda AC Milan Umberto Gandini ayaa xaqiijiyay in ay la soo wareegeen laacibkaan waxaana uu caafimaadka mari doona bari oo Arbaco ah .
“Waxaan la gaarnay heshiis shaqsi ajh Milan ayuu ka tirsanaan doonaan ilaa 2017-ka ,waxaana uu caafimaadka mari doonaa bari ayuu yiri agaasimaha AC Milan Umberto Gandini.
Jariirada La Gazetta dello Sport ayaa shaacisay in Bollateli uu Taleefan udiray saaxibadiisa Milan uuna ku yiri “waan imaanaa goordhow”
City ayaa aqbashay dalabka AC Milan kadib markii ay kordheen qaladaadka laacibka xulka Azzuri.
Hadaba muxuu Mario Bollateli ku soo kordhin karaa AC Milan?
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
Bollateli boon boonis ayaa laga badin doonaa mar kaas ayuu milan sii qasi doona bal ka war suga.!!!