1: Monday, January 21, 2013 - 09:25:10
2: 176 Jeer.

Subag buuraha ‘Chesse’ka oo la sheegay inuu yareeyo Heerka Labaad ee Cuddurka Sonkorta ‘Diabetes’.

Waxaa Qoray:

cheese1_25072012

Cilmi-baarayaal u kala dhalatay dalalka Britain iyo Holland ayaa sheegay in isticmaalka subag-buuraha la marsado Rootiga uu kaalin ka geysanayo hoos-u-dhigidda Heerka Labaad ee Cuddurka Sonkorowga ‘Diabetes’.

Khubarradda waxay baaritaanno ku sameeyeen 16,000 oo dad qaangaar ah oo caafimaad ah iyo 12,400 Bukaanno la il-daran heerka 2-aad ee Cuddurkaasi, waxayna ogaadeen in kuwa cuna ugu yaraan 35-gram oo Subagga la mariyo Rootiga ee ‘Chesse’ uu 12% hoos u dhacay sonkora.

Warbixintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Aragti Caafimaad oo horey ugu baaqday inay Bukaanadda qaba Cuddurka Sonkorowga iska yareeyaan cuntadda dufanta caanaha leh.

Laakiin, Cilmi-baarayaasha dhawaan baaritaannadda ka sameysay 8-dal oo ku yaalla Qaaradda Europe, oo uu dalka Britain ughu horreya ayey ku ixtiraaceen ama ku ogaadeen in haddii uu qofka bukaanka qaba Macaanka uu maalintii  2 jeer cuno rooti la mariyey subag-buureedka ‘Chesse’ uu ka yaraanayo Heerka Labaad ee Cuddurkaasi.

Khubarradda waxay ku xuseen Warbixintooda in Bukaanka joogteysta isticmaalka Subaga buuraha ‘Chesse’ ay taasi keenayso inuu xakamaysmo heerka Sonkorowga dhiigga.

Bukaanka caadeysta isticmaalka xadidan ee subagga la mariyo rootiga, waxa uu jirkiisa awood u helayaa inuusan soo saaarin xaddi badan ee Hormones-ka dhaliya Isuliinka.

Cilmi-baarayaasha waxay kaloo warbixintooda ku xuseen in isticmaalka 55 gr oo caanaha fadhiya ee Yoghurt uu Jirka ku yeelanayo inuu iska difaaco Sonkorota iyo inuu hoos u dhigo cuddurka ‘Cholesteral’ka’.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale