Waxaa la aqristay: 663 Jeer.
Soomaalida Ku nool Dalka Ethiopia oo Muqdisho kusoo qul-qulaayo.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Magaaladda Muqdisho Ee Caasimadda Dalka Somalia ayaa waxaa Dib ugu soo laabanaayo Soomaalida ku nooleed Dalka Ethiopia kuwaasi oo Halkaasi u joogan Magangalyo iyo Safaro dhanka Yurubta ah.
Dib u soo laabashada Soomaalida Ethiopia ayaa ku soo beegmeysa Xilli Magaaladda Muqdisho laga saaray Kooxaha Argagixisada, islamarkaana ay dib ugu soo laabanaayan Soomaali fara badan oo ka imaanaaya Dalalka Yurubta iyo Africada
Garoonka Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa Maalintii ka soo daga in kabadan Lix diyaarad oo sida Muwaadiniin soomaali ah oo dib ugu soo laabanaaya Dalkooda Hooyo oo iminka noqday amaan lagu kalsoon yahay
Si kastaba ha ahaatee Muwaadiniinta kusoo laabanaaya Somalia gaar ahaan Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa laga dareemaaya Gabi ahaan Magaaladda Muqdisho oo is-bedel baaxad weyn ku imaaday isu socodka dadweynaha, waxaana Magaalada laga dareemaaya Is-bedel ku’aadan dhanka Ganacsiga iyo dhismaha Guryaha.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
