HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, February 24, 2013 - 13:18:20
Waxaa la aqristay: 121 Jeer.

Somaliland oo shaacisay in Khilaafkii u dhexeeyay Siilanyo iyo Seylici la soo afjaray.

Waxaa Qoray:

 

Wararka naga soo gaara Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in la soo afjaray Khilaafkii xooganaa ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamulka Somalialand Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Seylici oo mudooyinkaani laga dareemaayay Somalialnd.  

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka Somaliland oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay dhammeeyeen khilaaf u dhaxeeyay Madaxweynaha maamulka Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu Cabdiraxmaan Seylici kaasoo uu Guddoomiyaha sheegay in mudooyinkaani laga dareemaayay gabi ahaan Somalialand.

Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka Somaliland  ayaa xalinta Khilaafka ka sheegayshir Shir Jaraa’id uu ku qa btay Magaaladda Hargeysa isaga oona sheegay in Warbaahinta ay buun-buunisay Khilaafka kaasoo uu ku Tilmaamay inuu ahaa mid cirka ku sii shareeray Khilaafka.

Si kastaba ha ahaatee waxa uu Guddoomiyaha sheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya ay Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Seylici si wadajir ah u shaqeyn doonaan islamarkaana ay sii kordhin doonaan Xushmadda kawada dhaxeysa.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

1 Comment for “Somaliland oo shaacisay in Khilaafkii u dhexeeyay Siilanyo iyo Seylici la soo afjaray.”

  1. buy imitrex

    HkWbwD Thanks for sharing, this is a fantastic article.Really looking forward to read more. Will read on…

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale