Waxaa la aqristay: 101 Jeer.
Somaliland oo Howl-galo ku xirxirtay Rag lagu eedeeyay shabaab.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Rag lagu Eedeynaayo inay ka tirsan yihiin Argagixisada Somalia ee Alshabaab
Maxamed Nuur Carraale Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in dadka la xiray lagu qabtay howlgallo laga sameeyay magaalooyinka Laascaanood iyo Hargaysa, waxa uuna Sheegay Wasiirka in ay kawar heleen in Rag shabaab ah ay galeen Gudaha Magaaladda Hargeysa.
Maxamed Nuur Carraale Wasiirka waxa uu ka gaabsaday Sheegida Tiradda Eedeeysanayaasha laga soo qab-qabtay Xaafadaha waxa uuna Xusay inay Soo qab-qabteen Rag farabadan.
Maxamed Nuur Carraale waxa uu sheegay in howlgallada ammaanka ee uu wado maamulka in looga gol-leeyahay in caalamka loo muujiyo in deegaannada Somaliland ay ammaan yihiin, kana hor tageyso wax waliba ee dhib ku ah amaanka.
Wasiirka ayaa Tilmaamay in ragga Eedeysanayaasha lasoo taagayo Maxkamad islamarkaana la xugmin doono waxa uuna sheegay in lasii deyn doono dadka lagu waayo Dambiga halka Ragga dambiga lagu qabto laga abaal marin doono Dambigooda.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
WiJWS4 Im thankful for the blog.Thanks Again. Will read on…