1: Sunday, February 3, 2013 - 08:53:29
2: 52 Jeer.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Sarifka Lacagaha Qalaad iyo Arrimo kale (Warsaxaafadeed + Sawirro)

Waxaa Qoray:

shir wasiirro (8)

Muqdisho, 02 Feb, 2013…. Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa looga hadlay sharciga maamul-u-samaynta Gobollada, Sarifka Lacagaha Qalaad iyo Warbixin kooban oo laga dhageystay Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim.

Ugu horreyntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Hormarinta Adeegga Bulshada, Drs Maryam Qaasim, waxayna tafaasiil ka bixisay shir caalami ah oo ay dhawaan kaga soo qeybgashay dalka Imaaraadka Carabta oo looga hadlayay arrimaha bedbaadinta Hooyada iyo Dhallaanka, waxana ay sgheegtay in  shirkaasi ay ka soo baxeen qaddobo muhiim ah. Drs Maryam Qaasim waxa sidoo kale xustay in dowladda Imaaraatka Carabta ay ka wada hadleen sidii loo hormarin arrimaha adeegga bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan  waxbarashada.

Sidoo kale, Golaha ayaa ka dooday Isbedelka ku yimid Sarifka lacagta dollar-ka ah, wuxuuna Ra’iisul Wasaare “Saacid” sheegay inuu aad uga xun yahay halka uu marayo sarifka lacagaha qalaad, Isagoona  guddi uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda  iyo Xubno ka tirsan Ganacsatada u saaray sidii ay u soo diyaarin lahaayeen warbixin ku saabsan hoos u dhaca ku yimid doolarka iyo saameynta ay ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin deg deg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, Iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax-ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka. Hindise-Sharciyeedka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya is ay u ansixiyaan.

Daawo Sawirrada

shir wasiirro (1)

shir wasiirro (2)

shir wasiirro (3)

shir wasiirro (4)

shir wasiirro (5)

shir wasiirro (8)

                                  —-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale