Waxaa la aqristay: 143 Jeer.
Sheekh Yuusuf Kaba kudukade: Jowhar iyo Balcad waxa ay kusoo laaban doonta Gacanta Shabaab
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba kudukade Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe ee Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab ayaa sheegay inay la wareegi doonaan Magaalooyinka Jowhar iyo Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe
Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba kudukade oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inay wadaan howlo ku aadan dib u soo dhig Ciidamada Al-qacidad ee dhawaan laga saaray Magaaladda Jowhar iyo Gobolo kale oo ay horay uga amrin jireen Shabaab
Kabakudukade ayaa sheegay in Alshabaab aysan marnaba ka hari doonin Magaalooyin ay kamid tahay Jowhar waxa uuna Magaalooyinkaasi ku sheegay inay muhiim u tahay Balse ay ku soo celin doonaan gacantooda sida uu hadalka u dhigay
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in iminka Deeganka Balcad ay u joogan Ciidamo katirsan Shabaab waxa uuna sheegay in Ciidamadaasi looga fadhiyo inay gacanta kusoo dhigaan Jowhar iyo Balcad
Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise waxa uu intaa ku daray in Ciidamo shabaab ah ay ku sugan yihiin inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwa halkaasi howl kawada islamarkaana kala eryaan burcada gaadiidka dhaca
Si kastaba ha ahaatee Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise ayaa ku tilmaamay Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad Magaalooyin muhiim u ah Shabaab loona baahanyahay inay soo gasho gacantooda.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

