1: Thursday, January 3, 2013 - 11:57:32
2: 383 Jeer.

Sheekh Shariif oo lagu eedeyay in uu caqabad ku ahaa maamul u sameynta Jubbooyinka

Waxaa Qoray:

shariifka
Guddoomiyaha maamulka la baxay Azaniya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo mar soo noqday wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladdii hore ee KMG aheyd inay hortaagneyd dhismaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka, wuxuuna intaasi ku daray xilli uu u waramayey teleefishinka Somsat in Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee uu hogaaminayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga dhaadhiciyey in qabiil gaar ah uu wato mashruuca maamul u sameynta Jubbooyinka.

“Dedaal badan oo la sameeyay waa uu socon waayey, nasiib darro waxaa ugu weynaa caqabadii markaas nagaga imaaneysay Madaxweyne Sheekh Shariif oo dad ay ka soo dhaadhiciyeen in beel gaar ahi ay wadato maamul u sameynta Jubbooyinka” ayuu yiri Gaandi oo intaas ku daray in Sheekh Shariif sanadkii 2011-kii uu aqbalay qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka, laakiin markii dambe uu ka horyimid.

“16-kii November shir ka dhacay Kampala ayuu Sheekh Shariif si cad ugu sheegay Madaxweynaha Yugandha Museveni in dowladdii KMG aheyd aysan raali ka aheyn maamul u sameynta Jubbooyinka oo laga waday Nairobi, arrinta ugu weyna waxay aheyd waxaa waxaan oo dhan loo ekaysiinayey inaanu annaga qabiil ahaan {Ogaadeen} aan si gaar ah isu xijineyno gobolada Jubbooyinka iyo Gedo” ayuu yiri Prof. Gaandi.

Sidoo kale Prof. Gaandi ayaa mar la weydiiyey khilaafka u dhaxeeya urur goboleedka IGAD iyo dowladda federaalka ee uu uu Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan qaabka maamulka u sameynta gobolada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay in taasi ay ka dhalatay dalab ka yimid IGAD oo ahaa in heshiiskii 2005-tii dhexmaray IGAD iyo dowladdii C/laahi Yuusuf oo ahaa “in IGAD mas’uul ka noqoto xasillinta iyo maamul u sameynta goboladaasi, wuxuuna yiri sidoo kale “Xaqiiqdii waxay arrintaasi ka dhalatay mas’uuliyad gudasho la’aan dowladda Soomaaliyeed ka timid oo markii dowladdu ay ka soo bixiweysay waajibaadkeeda in la yiri IGAD maamul ha u sameyso”.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale