Waxaa la aqristay: 96 Jeer.
Shacabka ku dhaqan Maamulka Ximan iyo Xeeb oo dalbaday in WFP ay isaga baxdo Deegaannadaasi
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Deegaannada Maamulka Ximan iyo Xeeb gobollada dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa qeylo dhaan ka keenay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP, taasoo ay ku dalbanayaan inay isaga baxdo deegaannadooda.
Cabdi Sheekh Gurte oo ka mid ah golaha guurtida maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shir ay ka dhan ah WFP ay ka yeesheen, kaasoo markii uu soo gabagaboobay ay ka codsadeen in guud ahaanba ay joojiso WFP cunadda ay ka qeybin jirtay mararka qaar deegaannada Maamulkaasi.
Waxa uu sheegay in sababta ay u dalbanayaan in WFP ay joojiso Raashinka ay ka qeybineyso deegaannadaasi ay tahay in dadka deegaanka uu dagaal ka dhex abuurmay kaasoo ku aadan cunada ay ka qeybiso halkaasi.
Cabdi Sheekh Gurte waxa uu intaa ku daray in dagaalkaasi la xiriira WFP raashinka ay ka qeybinayso deegaannada maamulkaasi uu ku dhintay hal ruux Afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Hay’adda Cunadda Adduunka ee WFP ayaa waxa ay ka Howlgashaa Degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobaladda Dalka Soomaaliya, Shacabka Ximan iyo Xeeb ayaana waxa ay noqonayaan kuwii ugu horreyay ee qaata go’aan ka dhan ah WFP.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
