1: Sunday, July 22, 2012 - 20:38:18
2: 336 Jeer.

Shabaabka Marka oo toogasho ku dilay 3 nin oo ay ku eedeeyeen jaajuusnimo

Waxaa Qoray:


Maamulka Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa galabta meel fagaara ah ku toogtay sadex nin oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen muqaabaraadka Mareykanka iyo Ingiriiska.

Dilka oo ka dhacay fagaara ku yaala magaalada Marka ayaa laba ka mid ahi waxa lagu eedeeyey in ay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA kuwaasi oo laga qabtay gudaha Shabeelaha Hoose.

Ninka sadexaad ee galabta Al Shabaab dilka toogashu ku fuliyeen ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar waxaana Shabaabku ku eedeeyeen inuu u fududeeyey Mareykanka dilka Bilaal Al Barjaawi oo diyaaradaha is wada ku dileen duleedka Ceelasha Biyaha 21-ki bishi January 2012.

Waa dilki ugu badnaa oo qisaas ah oo ay sanadkaan mar qura ka fuliyaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab, waxa ugu danbeysay sanadki hore oo ay dad kala duwan ku qisaaseen deegaanada Suuqa Xoolaha iyo Daaniile ee magaalada Muqdisho ka hor inta aysan dowlada KMG qabsan guud ahaan caasimada.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale