Waxaa la aqristay: 733 Jeer.
Schalke oo dood ka keentay Drogba
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Xalay waxaa koobka horyaalada yurub ka soo muuqday weeraryahankii hore ee kooxda Chelsea Didier Drogba isagoo xiran funaanada kooxda Galatasaray,ciyaar ay kaga hor jeedeen kooxda Schalke.
Kooxda Schalke ee wadanka Jarmalka ayaa udacwoon doonta xiriirka qaarada yurub ee UEFA waxaana ay sheegeen inaysan wax ogolaansho ah uheysan Galatasaray in ay Drogba ciyaarsiiso koobkan .
Schalke ayaa sheegtay in UEFA ay ugudbin doonto cabasho ka dhan ah Galatasaray oo si qalad ah garoonka ukeentay Drogba oo aan ku jirin liiskoodii hore.
“Waa in aan ka ashtakoonaa arintaan ayaa lagu qoray bogga Schalke
Drgoba ayaa ku biiray kooxda reer Turki xagaagan isagoo ka yimid Shanghai Shenhua,waxaana jirtay dood xiligii uu ku biiray Galatasaray laakin FIFA ayaa ufasaxday in uu ku biiri karo.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
Im grateful for the article post.Really thank you! Awesome.
SKVvtN I am so grateful for your blog article.Really looking forward to read more. Really Cool.