1: Saturday, December 8, 2012 - 17:25:02
2: 218 Jeer.

Saraakiil la tirsan ciidanka dowlada oo xukun lagu riday

Waxaa Qoray:


Maxakamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku diray qaar kamida saraakiisha ciidamada soomaaliya gudoomiyaha madaxkada ciidamada qalabka sida Liibaad Cali Yaroow oo xukunka riday ka warbixyay sida uu xukunku u dhacay .

Ugu horaan waxaa ay maxkamadu ciidamadu darajadii ciidan kaga qaaday Sareeye guuto Cabdi maxamed ismaaciil ‘Indhabuur’ waxaana ay xukuntay xabsi daa’im sidoo kale waxa uu sheegay inusan qaban doodin waligiis shaqada ciidamada.

Sidoo kale agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada Xasan Liibiya ayaa isna lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falkaasi isagoo ka gacan siiyay taliyihii hore siidaynta al shabaab badan waxayna ku xukuntay shan sano oo xarag ciidan ah.

Maahan markii u horaysay ee maxkadama ciidamada qalabka siday ay xukuno kala duwan ku rido ciidamo laguu soo eedeyay inay gaysteen falal iskugu jira dil ,kufsi ,xatooyo iyo xilgudasho la’aan ayna ku xukunto qaar kamida ciidamadaasi xukuno iskugu jira dil, xabsi daa’im iyo shaqo joojin ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale