1: Sunday, February 3, 2013 - 09:00:39
2: 600 Jeer.

Salako: “Zaha wuu ka fiic naan doonaa Ronaldo”

Waxaa Qoray:

salko

Kubbad qaabeeyihii hore ee kooxda Crystal Palace John Salako ayaa aaminsan in laacibka dhawaan galka ee kooxda Manchester United ee Wilfried Zaha uu yahay badalka Cristiano Ronaldo tasoo waqti dheer uu raadinayayay Sir Alex Ferguson.

Kooxda lagu naynaaso Shadiinta cas cas ee United ayaa £17 Million kula soo wareegtay bisha January Ciyaaryan Zaha, waxaana 20 jirkaan amaah mar kale dib loogu siiyey kooxiisii hore.

Salako oo Macallin u ah dhallinyarada koox fadhigeedu yahay London ayaa rumeysan in Zaha uu ka yaabin doono kooxaha ka ciyaara Premier League uuna ka fiicnaan doono ku guuleystihii Ballon d’Or Sanadkii 2008 ee C.Ronaldo.

Laacibkaan ayaa si weyn loo hadal hayaa qaab ciyaareedkiisa, balse la arki doonee markii uu amaahdiisa soo dhameysto ee uu yimaado garoonka kooxda United ay ku ciyaarto.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale