1: Saturday, December 8, 2012 - 12:57:18
2: 522 Jeer.

Safiirkii Dalka Serbiya U Fadhiyay Midowga Yurub Oo Fagaare Isku Khaarajiyay

Waxaa Qoray:


Safiirka dalka Jamhuuriyada Serbiya u fadhiyi jiray xarunta midowga Yurub ee Brussels ayaa qudha isaga jaray si badheedh ah isaga oo iskuna khaarajiyay meel fagaare ah oo dad badan arkayaan.

Sida ay ku warameen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka dunidu safiirkan oo lagu magacaabi jiray, Branislan Milinkovic waxa uu iska soo tuuray fooq ku yaala madaarka isaga oo dusha kaga soo dhacay, meel gaadiidka lagu cilad saaro isla markaana ay istaagaan oo Parking ah.

Safiirka ayaa wakhtiga uu is dilay ay wada socdeen masuul ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee dalkiisa, kaas oo mar qudha uun ku war helay safiirka iska tuuraya fooqa ama meesha sare ee madaarka caalamiga ah ee magaalada Brussels, halkaas oo dad tiro badani ku sugnaayeen qaarkoodna ay arkayeen marka uu is khaarajinayay safiirku.

Inkasta oo aan la garan karayn sababta safiirka ku kaliftay inuu naftiisa dilo wax dardaaran ah oo u ka tagayna aanu jirin, haddana waxa ay idaacad laga leeyahay dalkiisu sheegtay in safiirkaasi si deg deg ah go’aanaankani ugu dhashay oo aanay jirin wax dhibaato ah oo jirtay.

Waxaa Qoray
Faysal Maxamed Xasan

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale