1: Thursday, February 21, 2013 - 15:55:16
2: 332 Jeer.

Safaarada Soomaalida South Africa oo guul ka gaartay Xalinta dhibaatooyinka Ganacsatada

Waxaa Qoray:

 

Xukuumadda Koonfur Afrika ayaa u oggolaatay boqol qof oo Soomaali ah inay dib ugu laabtan Dalkooda Hooyo, Boqolaalka Ruux ee loo Ogolaaday inay ku laabtan Dalkooda ayaa lagu soo waramaaya in muddo badan ku xayirnaayen

Sayid Xasan Shariif  Danjiraha dhawaan Xukuumadda Somalia ay u magacaawday Dalka South Africa ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay madaxda waaxda socdaalka Dalkaasi South Africa isaga oona sheegay in Xukuumadda South Africa ay soo dhaweysay Codsiga ka soo yeeray Danjire Sayid Xasan Shariif.

Mr Sayid Xasan Shariif  waxa uu sheegay in Waaxda Socdaalka Jinsiyadaha South Africa ka dhameeyay sida Muwaadiniinta Soomaalida ee Koonfur africa ku heli lahaayen qaab sharci ah oo ay soomaalida ku aadi karaan Dalkooda Hooyo.

Danjiraha waxa uu sidoo kale sheegay in Waaxda Jinsiyadaha Koonfur Africa ay balan-qaaday in Ganacsatada Soomaalida ay siin-doonto Sharci dal-ku-galka ah oo ay ictiraafsantahay Xukuumadda South Africa, waxa uuna Danjiraha Somalia u fadhiya South Africa sheegay in Waaxda Socdaalka Jinsiyadaha ay ka dhowr sugaayan Fulinta Balan-qaadka.

Guusha ay Gaarayan Ganacsatada Soomaalida ayaa kusoo beegmeysa Xilli Dhawaan Xukuumadda Somalia ay South Africa u magacaawday Danjire Cusub kaasoo noqonaaya Danjire Baahi tira Muwaadiniinta soomaalida ee ku dhiban dalkaasi South Africa

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale