HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Tuesday, December 11, 2012 - 09:23:39
Waxaa la aqristay: 833 Jeer.

Rooney oo ku faraxsan rikoorkii uu kala wareegay Sir Bobby Charlton

Waxaa Qoray:


Weeraryahanka kooxda  Manchester United  Wayne Rooney ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay  rikoorkii uu kala wareegay laacibkii hore ee kooxdiisa Sir Bobby Charlton kasoo ah rikoorka goolasha laga dhaliyo kulanka  Manchester derby, kadib markii labadii gool uu ka dhaliyay kooxda Manchester City kulankii  3-2 eey ka dhigatay wadarta goolsha uu ka dhaliayay Wayne Rooney  kulamada Manchester derby  10 .

27- jirkaan  ayaa labo gool  gacanta u galiyay wiilasha uu hogammiyo  Sir Alex Ferguson ka hor inta aysan City labo gool ka helin Yaya Toure iyo Pablo Zabaleta , lakiin Robin van Persie ayaa ah ciyaaryahanka  ciyaarta markii uu  free kick uu shabaq ugu shubay ciyaarta oo dhamad aheyd .

Wayne Rooney ayaa hada la siman goolasha kulamadan lacibiintii hore ee kooxda  Manchester City Francis Lee iyo Joe Hayes oo min 10 gool  ka dhaliyay kulanka Manchester derby  .

Sidoo kale laacibkaan aya kulankaas noqday ciyaaryahankii lixaad ee horyaalka Premier League ka dhaliya  150  goals , marka laga soot ago  Alan Shearer, Andy Cole, Robbie Fowler, Thierry Henry iyo  Frank Lampard.

“ma  garanayo inan noqan dono ninka ugu sareeyo rikoorkaan lakiin waxan ku faraxsanahay taarqida aan gaaray ,” Rooney ayaa sidaas usheegay The Mirror.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale