1: Sunday, February 3, 2013 - 14:14:55
2: 381 Jeer.

Roberto Mancini wuxuu taageeri doonaa Man United kulanka Champions League laakiin…

Waxaa Qoray:

manciniTababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa calan gaduud iyo Cadaan isugu jira soo qaadan doona kulanka Real Madrid iyo Manchester United ee Champions Leage isagoo taagere u ah United.

Iyadoo asbuuca dambe uu garoonka Old Traford marti galin doono ciyaarta ugu adag wareega 16-ka ee Champiobs League xagaagan ayuu Mancini sheegay in uu taageeri doono kooxda Man United .

Laakin hogaamiyaha City ayaa usheegay Daily Mail in uusan United utaageeri doonin jaceyl uu uqabo laakin uu danihiisa ka raadi doono halkaas.

“Waxaan taageeri doonaa United maxaa yeelay hadii ay badiyaan oo ay soo baxaan labo kulan oo hor leh ayey ciyaari doonaan waxaana ay ka mashquuli doonaan horyaalka inagana faa’iido ayey noo tahay ayuu yiri Mancini .

Hogaamiyaha City ayaa qirtay in ay adag tahay in Madrid sahal looga badiyo laakin dantiisa ay ku jirto in ay badiso kooxda Ferguson si horyaalka ay uga mashquulaan .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale