HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, January 20, 2013 - 19:01:34
Waxaa la aqristay: 198 Jeer.

Rigoor uu dhaliyay Lampard oo Chelsea ka caawisay in ay ka,adkaato Arsenal

Waxaa Qoray:

chelsea okokokok
Kooxda Chelsea ayaa soo dhaaftay kooxda Arsenal kulankii London Derby markii ciyaar ka dhacday garoonka Stamford Bridge ay ku dhamaatay 2-1.

Juan Mata ayaa hogaanka udhiibay kooxda The Blues marki ay ciyaartu socotay 5 daqiiqo oo kaliya kadib kubbad uu caawiyay daafaca Chelsea Azpilicueta.

The Blues ayaa sii waday bandhigeeda quruxda badan waxaana weerar boobsi ah ka dib ay Chelsea heshay rigoore markii uu gool haye Szczęsny uu lugaha ku dhagay xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Ramires ,waxaana rigooradaas dhaliyay Frank Lampard .

Tababare Wenger iyo kooxdiisa ayey xaaladu ku ekaatay waxaana uu sameeyay is badalo badan ugu dambeyna waxaa ay Arsenal heshay gool uu udhaliyay Theo Walcott kaas oo kubbad ka helay Cazorla,

Wenger iyo wiilshiisa ayaa sameeyay is ku dayo badan laakin ma helin wax gool waxaana kulankii Super Sunday uu ku soo idlaaday 2-1.

 

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale