Waxaa la aqristay: 886 Jeer.
Real Madrid oo diyaar u ah in ay Manchester United ka iibiso Angel Di Maria
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay in ay diyaar utahay in ay kooxda Manchester United ay ka iibiso laacibkeeda garabka Angel Di Maria.
Sida ay qortay jariirada The Mirror tababare Sir Alex Ferguson ayaa go,aan ku gaaray xili hore in uu soo qaato laacibka wadanka Argentina,waxaana go,aankan cusub ee Madrid uu yahay midkii uu ubaahnaa.
Manchester United ayaa loolan kala kulmi doonta kooxda Paris Saint-Germain oo iyaduna dooneysa xidigaan ,laakin Madrid ayaa diyaar u ah in ay ka iibiso United taas oo horey uga iibisay Bekcham ,Van Nistelrooy ,Ronaldo iyo xidigo kale .
Angel Di Maria ayaa wacdaro ka dhigay kulankii Man United iyo Real Madrid taas oo sare uqaaday xiisaha ay uqabto kooxda Old Trafford.
Garabka Argentina ayaa lix gool udhaliyay Madrid sanadkaan ,waxaana uu kooxda cad cadka ku soo biray 2010-kii ,isagoo ka yimid Benfica.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨