Waxaa la aqristay: 146 Jeer.
Real Madrid iyo Juventus isku heysta Gareth Bale
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Juventus ayaa isha ku haysa dadabka dhexe ee kooxda Tottenham Gareth Bale oo sidoo kale bartilmaameed qayaxan u ah kooxda cadcadka ee Real Madrid.
Laacibkan Welsh-ka ah ayaa waxaa maanta soo baxaysay in ay Real ku doonayso 70 milyan oo euro balse waxaa sidoo kale hanka Real hoos u dhigaya wada hadalka ay la wado Falcao waloow misna la sheegayo in Real ay ka go’antahay inay Luka Modric u keento saaxiibkii bisha Janaayo hadana Juve ayaa doonaysa inay heshiiskan afduubto.
Sida uu daabacay Tuttosport Bale ayaa doonaya koox siin karta meel uu ka arki karo xidigaha iyo heesta koobka horyaallada Yurub taasoo ka dhigan inuusan diidanayn koox la mid ah Juventus.
Sidoo kale waxaa meesha ku jirta inay Real ahayd koox mudaba cayrsanaysay xidigan balse xaallada kacsan ee ka dhex aloosan jaallayaasha sare ee kooxdaasi iyo Jose Mourinho ayaa laga yaabaa inay niyad jab ku keento qorshaha Bale.
Waxaa Qoray
Maxamed Xaaji
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
I adored your amazing site. There is certainly Plenty of great things on this page. I hope you succeed and have fun with your life. I most certainly will keep on browsing while you go on to supply rewarding internet content.