HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Wednesday, February 20, 2013 - 11:33:56
Waxaa la aqristay: 221 Jeer.

Raisul wasaare Hamadi Jabali oo si lama filaan ah isaga casilay Xilkiisa.

Waxaa Qoray:

dwwhujhb 

Sida lagu soo daabacay Wargeysyada kasoo baxa dalka Tuniisiya ayaa sheegay in Raisul wasaaraha Xukuumadda Tuniisiya Mr Hamadi Jabali uu  iska Casilay xilka Raisul wasaaranimo ee uu ka haayay Xukuumadda dalkaasi Tuniisiya, Is casilaada Raisul wasaaraha ayaa lagu soo waramaaya inay ka dambeysay kadib markii Xisbiga lagu magacaabo Ennahda uu laaday wada hadal uu la qaadanaayay Raisul wasaaraha.

Raisul wasaare Hamadi Jabali oo Mudooyinkaani ku mashquul sanaa sidii lagu kala diri lahaa Xukuumaddiisa ayaa waxaa haddana soo baxay amaro ka dhan ah isaga oona ku guul-dareystay inuu fuliyo amarkaasi Hayeeshe ay la gudboonaatay in Hamadi Jabali  uu isaga dago xilka uu xukuumadda ka haayay

Hamadi Jabali  Waxa uu sheegay in Xisbiga Islaamiga ee uu kasoo jeedo doonaayo in aan la kala dirin Xukuumadda Hayeeshe Mr Hamadi Jabali  waxa uu sheegay in Xiligaani ay mudantahay inuu iska casilo xilkiisa isaga oona sabab uga dhigay Xiisadaha xoogan ee iminka ka taagan Tuniisiya kadib dilkii loo geestay Mid kamid ah Hogaamiyayaasha Mucaaradka Xukuumadda Tuniisiya

Si kastaba ha ahaatee Risul wasaare Hamadi Jabali  ayaa iminka Baarlamaanka iyo Madaxda Sar sare Xukuumadda ugu baaqay inay dhistaan Xukuumad ka madaxbanaan Buuq iyo dhibaatooyin, isaga oona ku wargalshay in xilligaani uusan ahayn Raisul wasaaraha dalka. 

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

1 Comment for “Raisul wasaare Hamadi Jabali oo si lama filaan ah isaga casilay Xilkiisa.”

  1. Farax fantastic

    Dowlo walee waa rag

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale