Waxaa la aqristay: 328 Jeer.
Ragga Sacuudiga oo door bidayo Guurka Qarsoodiga (Qudbo-sareedka).
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Iyadoo ragga u dhashay dalka Sacuudiga ay badankooda awoodi karin Guurka shuruudaha culus ku sidkan, ayaa waxaa maalmahan bilowday inay ragga siiba kuwa da’da 35-aadka ee aan kharajka buuran haysanin u weecdaan Guurka Qarsoodiga ama Qudbo-sareedka.
Wrgeysyadda Maxlliga ayaa baaritaan ku sameeyey sida xawliga ah ee haatan u sii kobcayo Guurka noocaasi ah, kaasi oo ay raga ku shegeen inuu ka kharaj iyo shuruudo yar yahay Guurka bandhigan ee Haweenka reerahooda la weydiisanayo.
Inkastoo Maxkamadaha dalkaasi aysan sharciyeynin Guurka Qudbo-sareedka, ayaa waxaa haddana jira kooxo u ololeynayo sidii uu Guurka Qudbo-sareedka uga hanaqaadi lahaa.
Haweeney ka mid ah kuwa Guurka Qarsoodiga ku gaamuurtay ayaa sheegtay inay dhowr jeer guurkaasi gashay, iyadoo xustay inay Ragga xaasaska leh ay danaynyaan guurkaasi u muuqda mid aan la shaacinaynin.
Haweeneydaasi oo magaceeda qarisay waxay sheegtay in guurkeedii ugu horreeyey ee qarsoodi ay bilowday iyadoo 16-jir ah oo ay guursatay nin 25-jir ah, inkastoo uu guurkooda burburay dhowr bilood kadib, markii ninka ay ku kacday xaaskiisa koowaad, oo ka war heshay inuu min-yar leeyahay.
Haweeneydaasi ayaa sheegtay inay ugu yaraan 3-jeer soo martay guurka noocaasi, oo ay ugu dambeyntii heshay 0day badar-noole ah, kaasi oo lahaa xaas kale.
Guurka Qarsoodiga ee aan si waadax ah loo shaacinin, ayaa waxaa Lammaanaha is-calmaday arrinkooda u dhameeya Garsoore ama Sheekh, iyadoo loo baahan yahay ugu yaraan labo markhaati oo goobjoog ka noqda Xilliga la isku mehrinayo. Lammaanahaasi.
Dadka Sacuudiga ayaa u arka Guurka Qudbo-sareedka mid dool ku ah Mujtamacooda, iyadoo la rumeysan yahay in laga soo minguuriyey Jaalliyadaha Muslimiinta ee ka xoogsada dalkooda, kuwaasi oo iyagu ku qanacsan guurkaasi.
Dhinaca kale, Soomaalida ayaa aad looga isticmaalaa guurka qarsoodiga, iyadoo raga Qurbo-joogta ay dhowr haween si qarsoodi ah u guursadaan, inkastoo Sharuucda dalalka Reer Galbeedka laga oggolayn inay ragga guursadaan wax ka badan hal xaas.
Diinteenna Islaamka, ayaa waxay jideysay inuu ninka guursan karo ilaa afar xaas, haddii uu kafaalo-qaadi karo nololshooda
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Asc… Aqiyarta webka. Waxaan gilayaa malmahan wariye luqada carabiga sifiican u yaqano ayaa ku soo biiray waxuu qabanayaa shaqo giican waxaan ka dharagnay shekoyinka eey qoraan warbahinta carabta.