HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, December 6, 2012 - 17:55:10
Waxaa la aqristay: 300 Jeer.

Qof dumar ah oo lagu dhaawacay mindi magaalada Hargeysa

Waxaa Qoray:


Sida ay kuwaramayaan dadka ku dhaqan magaalada hargeysa Ee Xarunta Somaliland ayaa waxay sheegayaan in nin hubeysan uu fal dhaawac ah ugu geystay haweyney qaad walo ahayd.

Ninka falka geystay oo ahaa biro tume ah ayaa waxa lagu magacaabaa Siciid Muxumed (ina Cirro weyne) si weyna looga yaqaano magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Waxa uu fal dhaawac ah ugeystay haweyney qaadwalo ahayd oo lagu magacaabo Ardo Muumin waxaana arintaasi ay ka dambeysay markii ninkaasi oo ka careysnaa xisbigiisii laga awood roonaaday ay wax ka sheegtay.

ina Cirro weyne ayaa waxa la sheegay in mindida uu kaga gawracay Ardo caloosha,qoorta iyo gacanta waxaana dhaawac culus oo haweyneydaasi soo gaaray kadib loola cararay cusbitaalka Magaalada Hargeysa.

Ninka Falka geystay ayaa isagu meeshii loo maleynayey inuu baxsado waxa uu isaga lugihiisa ku tagay saldhiga Booliska Ciidamada Somaliland ee Hargeysa waxaana uu sheegay in fal dambi ah uu galay in la xirana is amray.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale