Waxaa la aqristay: 393 Jeer.
Qof ay dhibaateeyeen ciidanka dowlada oo la xiriiray wasiirka Arimaha gudaha si …
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo ammanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu lasoo xiriiray muwaadin Soomaaliyeed oo dhibaato adag ay ugesteen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Nabadsugida.
Wasiirka ayaa sheegay in ruux kamid ah dadka Somaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho uu Fariin qoraaleed ugu soo diray taleefankiisa gacanta ah islamarkaana uu ka cabanaye dhibaato ay ugeesteen ciidamada Nabadsugida isaga oo sheegay wasiirka inuu xiriir la sameeyay qofkaasi.
“Markii uu fariinta iisoo diray qofkaas waan la hadlay waxaana aan ku idhi ciidanka meesha ay kugu dhibaateeyen iyo waxa ay kugu sameyeen iisoo sheeg aniga aya talaabo ka qaadayee”Sidaasi waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha.
Markii uu helay qoraalka oo faahfaahsan ayaa wasiirka wuxuu sheegay inuu la xiriiray Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyed isaga oo ku amray in talaabo laga qaado ciidanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida.
Ciidanka Dhibaatada ugeestay qofka shacabka ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo horkeenay Agaasimaha Nabadsugida iyadoo goobtaasi uu ku sugnaa qofka shacabka ah ee a ciidanka dhibaateeyeen,durbana wuxuu farta ku fiiqay saddex askari oo jirdilka ugeestay.
Durba ciidanka Nabadsugida ee dhibaatada ugeestay muwadinka Soomaaliyeed ayaa ciidamada Dowladda Soomaaliyeeed waxa ay utaxaabeen xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo iminka ay ku xidhan yihiin ayna yihiin xukun sugayaal.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
Akartaan mushaar ku filan hooy eey ku hoydaan iyo howlaha caafimaadka oo loo fudeeyo , ayeey inay qof dhibaateeyaan looga hortagikaraa,.. iyo qiimo inuu la, leedahay shaqadiisa uu na ku faraxsanahay shaqada uu hayo, ayaa dhibaatadaan looga bxi karaa,, ee maahane jeeel baan dhigay, oo cunto xataa u, awoodin jeelka, waxaas af maahn oday. dhaqaalo militri caalamka weeydiista, iyo tababaro iyo askartiina sidii nadaamka police iyo nidam militeri loo barilahaa!
Waa arrin horumar leh runtii lkn halka uu wasiirku ka xalliyey arrinta waxaa habooneyd inay saraakiisha ciidanku shacabka siiyaan kalsooni la mid ah tan wasiirku siiyey.SHARCIGA WAA LOO SIMANYAHAY.waa in ciidamada la taabsiyaa in sharcigu qaban karo oo ay weliba shacabka uga nugul yihiin maadaama ay yihiin kuwii ilaalinayey.WAXAAN U MAHADCELINAYAA WASIIRKA, sida uu u xushmeeyey wadaniga soomaaliyeed, ugana damqaday dhibaatadiisa.