1: Saturday, February 23, 2013 - 10:23:29
2: 1,001 Jeer.

QM oo Fannaan Soomaali ah u xushay Heesta Maalinta Haweenka Adduunka.

Waxaa Qoray:

 

In ka badan 20-Fannaan oo ka kala yimid Caalamka ayaa QM kala qeyb galaaya Dadaalka loogu jiro Dabaal daga Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka oo sanad kastaba la xuso Bisha March 8-deeda.

Fannaan Soomaali ah oo haysta dhalshadda Dalka Britin laguna magacaabo Farxaan Xassan, ayaa loo xulay inuu ku luqeeyo heesta sanadka ee Haweenka Caalamka.

Heesta Fannaankaasi uu qaadayo oo lagu Magacaabo: Hal haween (One Woman), ayaa waxaa Alifay Graham Lyle oo ka soo jeeda Gobolka Scotland ee Dalka Britain.

Fannaanka Soomaaliyeed waxaa Heestaasi la qaadaya ama la jiibinaayo Fannaaniin u kala dhalay Dalalka Benin, Mali, China, Brazil iyo Philipines.

Shirkaadda Microsoft ayaa loo xil-saaray soo-saarista Heestan si looga dhigo Hees maqal iyo muuqaal ahaan loo daawan karo, iyadoo Qarashka ka soo baxa si toos ah loogu shubaayo Barnaamijka QM ee lagu taageeray Haweenka Caalamka.

Heestan waxaa lagu soo bandhigay Webseedka Haweenka ee QM (UN Women’s Website).

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale