1: Friday, February 22, 2013 - 09:34:43
2: 730 Jeer.

QEYBTII 5-aad Ee Sheekaddii Xusuustii Xayaat.

Waxaa Qoray:

 

 

Asad, markii uu salaamay Xayaat, ayaa waxa uu ka fekeray inuu isbaro C/raxmaan iyo Xayaat, si uu gaariga ugu kaxeeyo ilaa xaafadeeda, maadaama ay Xayaat dhowr bac oo waa weyn ku wadatay Shopping.

Waxay soo abaareen dhinacii uu C/raxmaan fadhiyey, intuu ku yiri:- “Saaxiib, waxaan ku barayaa gabadhan” Intuusan hadalka dhamaynin ayey la soo booday Xayaat:- ‘Waan garanayaa, C/raxmaan, Walaal iska waran?’
Intuu nabad ku yiri, ayuu Asad meel gees ah la tegay C/raxmaan kuna yiri:- ‘War la qariyo, weekacaa ka roon, Xayaataan ku halqabsanayey waa tan, waana ku faraxsanahay inaad taqaanid”

C/raxmaan waxa uu saaxiibkiisa ugu hambalyeeyey inuu gacanta ku dhigay gabar asluub iyo caqli badan, wuxuuna u ballanqaaday inuu ku taageerayo xalinta caqabad kasta oo ka hortimaada.

Asad ayaa ku farxay taageeradaasi, wuxuuna uga mahadceliyey sida uu ugu dhiirigelinayo, kadibna waxay u soo dhaqaaqeen halkii ay Xayaat taagnayd, kadibna waxay soo wada raaceen gaarigii.

Inta waddada lagu sii jiray, Lammaanaha oo kursiga dambe wada fadhiyey waxay si hoose isku weydaarsanayeen kaftan jacayl.

Xayaat waxay ku talisay in Kaftanka laga dhigo mid Furan, laakiin C/raxmaan Dheere waa uu ka cuddur-daartay, maadaama uu Isteerinka gaariga ku mashquulsan yahay.

Asad oo malaha su’aal ku noqotay Labiska iyo Shoppingga Xayaat, ayaa warqad yar ku qoray:- ‘Qabanqaabo guur miyaad ku jirtaa?’.

Intay u dhoola-caddeysay ayey ku tiri:- ‘KKK. Qabanqaabo beel, dharkana iyo alaabaha kale waxaa wada leh aniga iyo walaasheey Amran”.

Intuu madaxa ruxay ayuu u sheegay inuu la yaabanaa halka loo wado Shopping, wuxuuna ku sii kaftamay:- ‘Waxaan islahaa Xayaat ma Kabar Bacadle ayey Xaafadda ku leedahay?”

Xayaat qosolkeeda ayuu ku soo jeestay Dareewalkii, wuxuuna ku yiri:- ‘Saaxiibayaal qosol aan la isla qabin waa qaraabo-goys ee maxaad ku qososhay Xayaat?”

Intaysan hadlin ayuu Asad yiri:- ‘Saaxiib, waxaan filayaa inay Xayaat deggan tahay Xaafadda Dermoole ama Ceel-cirfiid, waan ku daalnay safarka”.

C/raxmaan ayaa ku sii kaftamay:- “Nin dan leh ma daallo ee Asadow iska sug safarka waa lagu wada caajisay, waxaana yaraanteyda maqli jirney Mininkeenna intee waaye? Ma dhabo, ma dheero”.

Xayaat ayaa la soo booday:- ‘Walaalayaal, kaftan kulul ayaad roob oo kale iiga dhigteen, hadday gabar kale ila socon lahayd meel baan idin saari lahaa”.

Asad ayaa ku qanciyey inaan iyada duullaan lagu ahayn, laakiinse in loo muujinayo inay meel baadiyo ah deggan tahay.

Xayaat oo malaha Xaafdaddeeda ammaanayso ayaa ku tiri:- ‘Ma waxaad ii faaninaysaan Xaafaddiina Waaberi. Eegga Xaafaddeenna waa deegaan cosob ah oo haddana leh jidad waasac ah”.

Asad ayaa ugu sii jiibiyey:- ‘KKK. Xaafad dherer badan miyaad ku qanacsan tahay?’. Intay hadal isku difaacday ayey Dareewalkii ka codsatay inuu jid-caddaha ugu soo horreeyo ka leexdo.

Asad oo u muuqday nin ay kaga dhegan tahay inuu Xayaat la sii kaftamo ayaa yiri:- ‘C/raxmaan, jidka bacaadka ayaa haddana muddo lagu sii socon doonaa ee gaariga si xawli ah u kaxeey, yaan bacaadka lagu dhiiqan”.

Xayaat ayaa u sheegtay Dareewalkii inuu gaariga ku joojiyo Ganjeelka Cagaaran ee ugu soo horreeya. Kadib, markii gaarigii la joojiyey ayey dhallinyarraddii ka codsatay inay gaariga ku sii dhex sugaan.

Waxay garaacday albaabkii, waxaana ka furtay Adeegtadda guriga, oo ay ka codsatay inay baca shopping u geyso qolkeeda gaarka ah.

Xayaat, intay dhallinyarraddii ku soo laabatay ayey Dareewalkii ka codsatay inuu gaariga ku parkin-gareeyo barxad ku taallay gurigeeda.

Markii ay dhallintii gudaha soo galeen, ayey u sii gudbeen Qolka Fadhiga oo si fiican u sharaxnaa, isla markaana udug carfoon lagu buufiyey.

WAA SOCOTAA.

WQ. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed ‘Diini-Yare”

Freelance Journalist.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale