1: Thursday, December 6, 2012 - 16:25:01
2: 91 Jeer.

Qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen dad haween u badan

Waxaa Qoray:

Ilaa iyo 13-ruux oo haween u badan ayaa dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen qarax bambaano oo maanta duhurkii ka dhacay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta dahablaha oo ahayd goob ay dadku ku badan yihiin.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah ilaa iyo iminka lama soo sheegin qaraxaasi qof ku dhimatay, inkasta oo haweenkii halkaasi ku dhaawacmay qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo culus iyadoo haatan lagu dabiibayo isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka u qaabilsan suuqa Bakaaraha sarkaal u hadlay ayaa sheegay inay qabteen rag looga shakiyay inay ka dambeeyeen qaraxaasi oo ahaa nooca bambo gacmeedka oo lagu turay goobta uu qaraxu ka dhacay ee qeybta Dahablaha suuqa Bakaaraha.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaraxa lala eeganayay askari ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay, hase yeeshee ma jirto waxyeelo soo gaartay askarigaasi, iyadoo taasi bedelkeedana ay ku dhaawacmeen dad u badnaa haween goobtaasi ku ganacsanayay.

Dhinaca kale qaraxa ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan Dowladda ay ka wadeen howlgallo iyo baaritaano la xariira dilkii Guddoomiyihii suuqa Bakaaraha oo dhowaan kooxo hubeysan ay khaarajiyeen.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale