Waxaa la aqristay: 145 Jeer.
Qarax ka dhacay Safaaradda Mareykanka ee Ankara
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Qaraxa oo ka dhacay iridka hore ee Saxaafadda Dowladda Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ayaa waxaa inta laga warhayo labo ruux.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa Ismidaamin sida ay ku waramayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Wadanka Turkiga oo ku sugan Magaalada Ankara ee Dalkaasi.
Sawirro la soo saaray ayaa muujinaya baaxadda khasaaraha uu qaraxu geystay meel dadka lagu baaro oo banaanka hore ah, halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidamada suga ammaanka safaarada Mareykanka ee Dalka Turkiga.
Saxaafadda Dalkaa ayaa durba shaacisay in Tobanaan ruux oo dalbanaya fiisaha Dalkaasi Mareykanka ay maalin waliba Safaf dhaaadheer u galaan halkaasi.
Qaraxa ayaa waxa sidoo kale uu waxyeello u geystay dhismooyinka u dhawaa Safaaradda, halkaasi oo ay deggan yihiin Safaarado kale oo u badan dalalka Reer Galbeedka.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

meel uu ku badbaadayo malahan maraykan cadwga alle