1: Thursday, December 13, 2012 - 16:50:57
2: 376 Jeer.

Qarax aan qasaare geysan oo goor dhow ka dhacay magaalada Nairobi

Waxaa Qoray:

Qaraxan ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada booliska dalka Kenya ay howlgalo lagu qabqabtay dad farabadan oo ay Soomaali kujirto maanta kasameeyay xaafadda Islii ee maagalada Nairobi.

Qaraxan oo ka dhacay xaafadda Ishiriika ayaa waxaa la dhigay wadada dhinaceeda iyadoo ay ciidamada booliiska kusoo wargeliyeen dadka deeganka oo arkay inta uu socday howlgalka lagu qabqabanayo dadka sida sharci darada ah ku jooga dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Inkastoo uusan wax qasaare ah geysan ayaa waxaa qarxiyay ciidamada booliska oo ku qarxiyay meel kabaxsan xaafadda laga soo qabtay mana jiraan ilaa hadda dad loosoo qabtay qaraxan in ay wateen.

hase ahaatee waxaa maalmahan kasocday magaalada Nairobi howlgalo isdaba joog ah oo lagu xirxirayo dadka sida sharci darada ah kujooga wadankaasi kadib markii shan qof oo Soomaali ah ay kudhinteen qarax lala beegsaday Masjid kuyaala xaafadda Isli islamarkaana uu kudhaawacmay xildhibaanka laga soo doorto degmada kaamakunji ee ay xaafadda islii ka tirsantay.

Wasiirka socdaalka dalka Kenya ayaa isagu sheegay in qaraxyada iyo guud ahaan amni darada dalka Kenya ay ka dambeeyan dadka ajnabiga ah ee aan sharciyadda uheysan in ay wadanka joogaan isagoo amar ku bixiyay in lasoo xirxiro si dib loogu celiyo wadamadoodii.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale