1: Friday, November 16, 2012 - 00:21:17
2: 415 Jeer.

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyed oo kulan diimeed ay Muqdisho ku yeesheen kaga soo saaray go’aano

Waxaa Qoray:

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyed ayaa kulan diimeed ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga soo saaray, go’aano diini ah, kadib falanqeyn dheer oo ay ku sameeyeen su’aalooyin ka imaanayay qeybaha bulshada.

Kulanka diimeedka oo soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 10-Culumaa’udiin oo ka mid ah kuwo ugu magaca dheer Culimada Soomaaliyed ayaa ugu horeyn umada Soomaaliyed ugu baaqeen inay Alle u towbad keenaan, isla markaana mas’alooyinka aan diinta ku saleysneyn, balse ra’yiga qofka yahay aan diin ahaan loogu dhaqmin.

Dood kulul oo Culimadan ka yeesheen su’aalooyin bulshada dhexdeeda ka taagnaa ayaa waxaa ka mid ahaa gabdhaha la qabo ee laga dhaadhacsiiyo in ninka qabo yahay nin Murtad ah, taasoo lagu baneysanayo nikaaxeeda, waxaana Culimada ay sheegeen in nikaaxa nuucaas inuusan banaaneyn, shareecada islaamkana aysan waafaqsaneyn.

Culimada ka hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Cumar Xeerow, Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar, Sheekh Shuuke, Sheekh Maxamed Jaamac, Sheekh Muuse Cagaweyne, waxaana culimada ay si guud isugu waafaqeen in dhamaan mas’alooyinka

Waxaa ay sheegeen Culimadan in dalka uu ka soo bogsanayo inta badan dagaalada ka dhacay, iyagoo ku tilmaamay arrin aan diinta waafaqsaneyn baaqa Hogaamiyaha Al-Qaacida ee ah in lagu jihaado dowladda Soomaaliya.

Sheekh C/qaadir Soomow oo gaba gabadii kulan diimeedkan ka aqriyay go’aankii ay soo saareen ayaa waxaa uu sheegay in talooyin badan oo la soo weydiiyay gabdhaha soomaaliyed ee xooga lagu watay, iyadoo la leeyahay in ninkaada riddo yahay, isla markaana wixii ka dhasha ay zino yihiin.

“Maadaama dalka uu ka soo kabsanaayo dhibaatadii loo geystay, dadkii dhibaateeyay dalka, Dr. Ayman Al-Dawahiri uu iclaamiyay in lagu jihaado dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo daliishaday aayaad fara badan, ayaadkaas oo meeshii loogu talo galay ku dejin, ayaa culumada waxay u arken fatwadiisa mid aan raad ku lahayn shareecada Islaamka, waxay u arkaan isagoo naftiisa ku sameeyay mid aan aqoon u lahayn arimaha soomaaliya”ayuu yiri Sheekh Soomow.

“Qeybta labaad waxay culimada talooyin badan soo weydiiyeen gabdhaha xooga lagu watay iyadoo la leeyahay ninkaaga waa riddo, gabdhahaas haddii ay wax dhaleen inay zino yihiin, waxay kaloo isku waafaqeen culimada soomaliyeed in gabadha sidaas la yiraahdo aanay nikaaxsaneynin, su’aalaad fara badan oo bulshada ka yimid”ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Culimada Soomaaliyed ay u jeedinayaan dowladda in lagala tashato, ayna soo dedejiso, iftaha si umada aysan ugu dhicin walaahow.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale