Waxaa la aqristay: 1,691 Jeer.
Qaar ka mid ah ciyaartooyda Chelsea oo diidday in ay kubadda u baasaan Torres
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Sida muuqata waxaa sii xumaanaya xiriirka ka dhexeeya ciyaaryahannada Chelsea gaar ahaan Fernando Torres oo la sheegayo inuusan adeeg ku filan ka helin laacibiinta ay isku kooxda yihiin.
JariiradaThe Telegraph ayaa ogaatay in xilligii ay socotay ciyaartii ay Chelsea ka badisay kooxda Nordsjælland in ciyaartooydu ay marar badan cirka u fiiriyeen ama inkireen Torres oo aysan u baasin kubadda.
Sida ay warbixintu sheegeyso marar badan ayaa la arkayay laacibiinta Juan Mata, Hazard iyo Ramires oo aan baaska kula ordaynin Torres iyadoo ay weliba muuqatay inaan sidii loo baahnaa loola dabaal degin Torres oo sidaa oo ay tahay 2 gool dhaliyay taasoo muujinaysa kacsanaanta kajirta qolka labiska Chelsea.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨