1: Thursday, January 3, 2013 - 18:58:09
2: 70 Jeer.

Puntland oo canshuuro kusoo rogtay gar gaarka Beesha Caalamka

Waxaa Qoray:

faroole
Dowlada Puntland oo dhawaan sheegtay inay ka daba tageyso canshuuraha baaqday in la qaado, isla markaana sare u qaaday canshuurihii ganacsiga, ayaa markii ugu horeysay bilowday qaadista canshuurta la dulsaaro Deeqaha ka imaanaya Beesha Caalamka ee lagu kabo Wasaaradaha Dowladda.

Xiriiro kala gedisan oo ay warbaahintu la sameysay qaar kamid ah shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland ayaa lagu sheegay inay jiraan canshuuraha lagu soo rogay deeqaha ka yimaada Caalamka. Canshuurtan ayaa u dhaxeysa 5-15%,

Lacagta Canshuurta laga qaadayo ayaa waxaa kamid ah deeqaha dhaqaale ee ka yimid Wadamada iyo hay’adaha ay kamid yihiin: EU, UNFPA, UNICEF, WHO, WFP, Save the Children iyo World Vision.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale canshuuro kusoo rogtay Mushaharka lasiiyo shaqaalaha dawlada oo qaarkood muddo 4 bilood ah aan wax mushahar qaadan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale