1: Saturday, February 23, 2013 - 10:02:25
2: 318 Jeer.

PSG oo ka codsatay madaxweynihii hore ee faransiiska Nicolas Sarkozy inuu ka caawiyo saxixa Arsene Wenger

Waxaa Qoray:

wenger ko
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa xoojisay baahida ay uqabto macalinka naadiga Arsenal Arsene Wenger ,kaas oo ay badal uga dhigi doonto hogaamiyaha udhashay Talyaaniga Carlo Ancelotti .

PSGayaa weydiisay isagoo daawanayay kulan ay ciyaartay kooxdaas madaxweynihii hore ee wadanka France Nicolas Sarkozy in uu ka caawiyo in ay helaan macalkinka 63 jirka ah ee kooxda Arsenal .

Jariirada Le Nouvel ee ka soo baxda France ayaa sheegtay in madaxweyne Nicolas Sarkozy uu xiriir saaxibtinimo oo asal ah uu la leeyahay tababaraha Gunners Arsene Wenger .

PSG ayaa aaminsan in Sarkozy uu Wenger ka dhaa dhicin karo in dib ugu soo laabto wadankiisa hooyo .

Tababare Arsene Wenger ayaa shalay sheegay in uusan waligiis ku fikirin in uu ka tago kooxda Arsenal uuna ku sugnaan doono waqooyiga London sanado kale.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale